Bild på SOS-alarmskylt
Foto: Janerik Henriksson / TT

Dadka waca SOS ee turjubaanka u baahan oo kordhay

"Waxaanu u raadinaa dad afkooda ku caawin kara"
1:24 min

Tirada qof ee waca badbaddada degdega ah ee SOS islamarkaasna turjubaan u baahan ayaa hal sanno ku labalaabantay. 

Sidaas waxa sheegay tirokoob cucub oo ay SOS shaacisay. Therese Ledel oo ah maamulaha SOS ee magaalada Växjö ayaa sheegtay in ay tiradii qof ee soo waca badbadadda degdegah ah , tusaale ahaan ambaalaaska, kooxda dab demiska amba doonaysa in ay booliska la hadlaan ee aan af iswiidhiska ku hadli karin soo kordheen sannadkii ugu dambeeyay.

-Af iswiidhisku maaha afkoodi hooyo, laakiin hadii u qofku ingiriisi ku hadli karo waa la fahmaya, hasayeeshe madama ay dadka waddanka ku cusubi ku hadlin af ingiriisiga waxaan u raadina qof afkooda ku caawin kara, ayey sheegtay, iyadoona raacisay:

-Tirada qof ee na soo waca oo an af iswiidhiska garaneeyn ayaa labalaabantay sannadkii 2015 marka loo barbardhigo sannadkii 2014. 2015 ayaannu ku khasbannaaney in aanu wacno xafiiska turjubaanta 3 500 oo jeer.



 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".