Dhallaan baranaya luuqadda hooyo. Sawirle: Pirjo Hamilton, SR Sisuradio
Dhallaan baranaya luuqadda hooyo. Sawirle: Pirjo Hamilton, SR Sisuradio

Saacadaha barashada luuqadda hooyo

Saacadda ama in ka yar oo toddobaadkii ay dhigtaan luuqadda hooyo
6:36 min

Saacadaha barashada luuqadda hooyo oo culimadu sheegtay in aaney ku filleeyn dhallaanka iskuullada wax ka barta.

Luuqadaha ey ku hadlaan qowmiyadaha laga tirada badan yahay dalka ee shanta ah oo ey ka mid yihiin luuqadaha, waa Romani-chib-ka, samiska iyo luuqadda finishka ayey dhallaanka ku hadla luuqadahaasi iskuullada ku bartaan luuqaddooda hooyo toddobaadkii muddo saacad ah ama ka yar, sida ku cad baaritaan ay amuurtaa su’aalo kaga waydiisay idaacadda Sweden dhammaan maamullada degmooyinka ee uu dalku ka kooban yahay. Halka ay culimadu ku talineyaan in muddadaasi aanay ku fileyn dhallaanka iyo sidii ay ku baran lahaayeen luuqaddooda hooyo.

Ardayga lagu magacaabo Leonardo Wisniewski ayaa iskuulka toddobaadkii mar kub arta luuqaddiisa hooyo:

- Waxaan jeclaan lahaa inaan mustaqbalka dhallaankayga baro luuqaddayda hooyo ee aan ku hadlo, si ey iyaguna u sii baraan dhallaankooda. Luuqaddayadu waa mid cajiib ah. Dadka ku hadla ayaa aad u yar, halka qaar badan oo ka mid ah qowmiyadda Roomiga ee aan ka soo jeedaana ey lumiyeen. Aniguse waxan jeclaan lahaa in qooyskeenna ay luuqaddu ka sii jirto, sida uu sheegay.

Leonardo Wisniewski ayaa ka mid ah ardeyda fasalka sagaalaad ee wax ka barata xaafadda Angered oo dhacda dibadda faras-magaalaha Göteborg. Toddobaadkii mar ayuu ardaygani dhigtaa luuqaddiisa hooyo romani-chib muddo 80 daqiiqadood ah. Waana wakhti aan ku fillayn sida uu qabo, inkasta oo muddadaasi ka badan tahay saacadaha ardeyda dalku bartaan luuqaddooda hooyo.

Laanta idaacadda raadiyaha seden ee luuqadda finishka oo su’aallo ka waydiisay ammuurtaa dhammaan maamullada degmooyinka ayay ku caddaatay in badankood ardeydu dhigtaan luuqadahooda hooyo toddobaadkii saacad iyo wax ka yar.

Hase yeeshee culimadu ka deeyrisay middaa, iyagoona ey ku taliyeen in loo kor-dhiyo.

Kuleeylihii ina dhaafay ayaa wax laga bedelay xeerka iskuulka, iyadoona loo ogolaaday ardeyda ka soo jeedda qowmiyadaha laga tirada badan yahay in xaq loo siiyo sidii ey luuqaddoodda hooyo ugu dhigan lahaayeen dugsiyada hoose/dhexe ee dalka, xitaa haddii aaney luuqadda horay ugu hadali jirin intii aaney bilaabin, ama aannu waalidkood ku hadal luuqadda. Hase yeeshee uu nidaamkaasi kaga liito Sweden, marka loo barbar-dhigo waddammada Yurub, sida uu sheegay Jarmo Lainio, kana howl-gala jaamicadda Stockholm, isla-markaana ka mid ah guddiga culimada ee Yurub u qaabil-san luuqadaha laga tirada badan yahay:

- Guud ahaan waxaa la oran karaa in Sweden xiisadahoodu yihiin kuwo laga tagay marka loo barbar-dhigo Yurub. Waxaa Yurub ka jira waddammo badan oo hab ka wanaag-san ardeyda uga taageera barashada luuqaddooda hooyo, qaasatan luuqadaha aaney ku hadal dadyoow fara badan.

Ardayga Leonardo Wisniewski oo toddobaadkii mar dhigta luuqaddiisa hooyo ee romani-chib ayaa gurigooda looga hadlaa luuqadda, hase yeeshee wuxuu aamin-san yahay in 80-ka daqiiqadood ee uu dhigtaa aanay ku fillayn, balse u baahnaan lahaa saacado intaasi ka badan toddobaadkii:

- Waxaan jeclaan lahaa muddo intaasi ka badan. Toddobaadkii waa mar un keliya. Waa xilliga iskuulka laga baxo oo aan aad u daalanahay, mararka qaarkoodna ay dhacdaa inaan hudeeysnahay xilliga uu casharku socdo.

Halka uu Gustav Fridolin (MP), ahna wasiirka tacliintu sheegay inuu baaritaan middaa u saari doono:

- Guddiga talada ee Yurub ayaa maamulka Sweden ku dhaleeceeyay in dalkani uu ka gaabiyay sidii lagu hiig-san lahaa heswhiisyada caalamiga ee uu qalinka ku duugay ee la xiriira ilaalinta iyo kor u qaadidda luuqadaha laga tirada badan yahay. Sidaa daraadeed ayay lagama maarmaan u tahay in dib u eegis baaritaan loogu sameeyo xeerarka quseeya luuqadaha laga tirada badan yahay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu aamin-san yahay in macallin la’aantu ugu wacan tahay dhaleeceeymaha naloo soo jeedinayo.

- Sababta ka dambeeysa in muddo sidaa u yar loo dhigo dhallaanka luuqaddooda hooyo ee luuqadaha laga tirada badan yahay in macallimiintu nagu yar yihiin. Amuurtaa ayaannu tallaabo ka qaadney annaga oo kor-dhinney xiisadaha lagu qaato aaladda internet-ka iyada oo aaney meel ku wada sugneeyn macallinka iyo ardeydu, si dhallaanku u helaan xuquuqdooda. Iyo sidoo kale in aannu u qoondeeyney miisaaniyad lagu soo saaro qalabkii iyo buugagtii tacliinta ey kub aran lahaayeen, dhallaanka ku hadla luuqadaha laga tirada badan yahay.) 

- Haddii loo baahdo in xeerarka wax laga bedelo si aannu uga soo dhalaalno kaalinta nagaga aadan heshiisyada aannu saxiixney daraadeed ayaannu ugu saari doonnaa baaritaan iyo sidii wax looga bedeli lahaa sida ugu habboon.

Isha/ Radio Sweden

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".