Båtflyktingar på Medelhavet som räddats till Italien.
Qaxooti la badbaadiyey iyagoo doni yar la maraya badda u dhaxeyso Talyaaniga iyo Liibiya. sawir: Guardia Costiera.

Dhibaatada qaxootiga Geeska Afrika kalo kulmaan Tahriibka Saxaraha

Jimcaale: waxyaabo aad u dhiban bay noga sheekeeyeen
7:07 min

Tacadiyo iskugu jira kufsi, dhac, adoonsi iwm ayey la kulmaan dadyowga tahriibka ku soo mara saxaraha iyo Liibiya, sida ay sheeegen tahriibiyaal ay wareysatay UNHCR. 

Markii ugu horeysey hey’adda qaxootiga aduunka UNHCR ayaa soo aruurisey xalaadahii ay la kulmeen qaxootiga Geeska Afrika ka yimid ee tahriibka ku soo maray saxaraha iyo Liibiya.

 Mashruuc la yiraahdo Tell the realy Story ama sheeg xaqiiqada tahriibka ayey UNHCR wareysiyo la yeelatay qaxooti ka soo jeeda geeska Afrika oo ku nool todobo waddan EU ku yaala. Dhamaan dadka la wareystay ayaa ka sheekeeyey kufsi, dhac, dil iyo aduunsi loo geystay intii ay ku marayeen socdaalkooda tahriibka inta u dhaxeysa Saxaraha iyo dalka Liibiya.  Maxamed Jimcaale ayaa ka mid ahaa dadkii macluumaadka wareysiyada u soo aruuriyey mashruuca UNHCR.

- Runtii waxyaabo aad iyo aad u dhibadan oo aan aad u dhibsaday ayey noo sheegeen dadkii aan wareysanay. Gaar ahaan tahriibka lugta ah. Markey dadka ka soo baxaand Itoobiya oo Sudan soo maraan ay Liibiya yimaadaan, waxyaabo badan oo aysan dadka soomaalida ka wado hadalin ayey noo sheegeen oo dadkaa ku dhacay. Qaar la qashay, qaar la kufsaday, qaar la aduunsaday oo la kalo iibsaday, dumar si xun loola dhaqmay.

- Waxay ku leeyahiin meel kasto oo aan Liibiya ka tagnay qof qof nooga roon kan kale ma aanan arag. Qof kasta oo aan la kulano waxuu isku dayey in uu na iibsado ama na dhaco ama uu na dilo ama uu xabsi na geliyo, ayuu yeri Moxamed Jimcaale oo ka mid ah soomaalida gacanta ka siisay hey’adda UNHCR aruurinta xogaha la xiriira dhibaatada ay qaxootiga Gees Afrika la kulmaan markey tahriibka ku soo maraan saxaraha iyo Liibiya.

Qisooyin muuqaalo ah oo laga soo aruuriyey dadka tahriibka ku soo maray Saxaraha ayaa lagu aruuriyey bog internetka ah. Ujeedadana laga leeyahay soo aruurinta qisooyinka ayaa ah in wargelin la siiyo dadka Geeska Afrika ee naftooda ku soo biimeeya tahriibka saxaraha iyo Liibiya. Tahriibeyaasha geeska afrika ee dhabahan soo mara waxay u baahanyahiin in lala socodsiiyo xaqiiqda dhibka badan ee sugaysa haddii ay tahriib saxaraha iyo Liibiya ku talo jiraan. Tahriibayashan oo badankood ah dadka ka soo jeeda wadamada kalo ah Eritrea iyo Soomaaliya.

Jimcaale oo asaga u gaabilsan mashruucan UNHCR dhanka soomaalida ayaa sheegay in tahriibayasha soomaalida ah aysan si wanaagsan ula soconin dhibaatada ku sugeysa tahriibka saxaraha iyo Liibiya.

- Soomaalida waxaa muddaa in aysan si wnaagsan ula soconin dhibaatada halkaa ka jirta. Waxay ku leeyahiin markii soo raacay doonta ayaa farxad dareemay, oo dareemay in aan xabsigii aan u jiray ka soo baxay. Gabar soomaalid ah waxay noo sheegtay, ”markii aan soo galnay badda ayaa doontii nala noqotay oo liibiya nagula noqotay. Daqiiqadas waxaan dareemay in aan badda isku tuuro, halkii aan ku laaban lahaa Liibiya”, ayuu noo sheegay Moxamed Jimcaale.

Dhamaan xogaha marqaatiga ah ee UNHCR ka soo aruurisay dadka tahriibka ku soo maray saxaraha iyo liibiya ayaa ka marqaati kacaya xad gudubiyo ay qaxootigan kalo soo kulmeen qolayo burcadda ah oo Liibiya ku sugan oo dadka ka ganacsada. Kufsi, aadoonsi xaalado bini’animada ka baxsan ayey dadkii la wareystay ka sheekeeyeen. Tusaale dhamaan dumarkii ay UNHCR wareysatay hal ma ahane inta kale waxaa loo geystay faro xumeyn galmo.

Kaalinta Qurbo joogta

Ujeedada kale ee laga leeyahay mashruuc lagu soo aruuriyey qisooyinka tahriibayaasha ayaa ah in la wargeliyo qurbo joogta geeska Afrika ka soo jeeda ee Yurub ku sugan. Waxaa la arkay in qorbo joogta ay kaalin ku leeyahiin dadka soo tahriibaya. Hadey ahaan laheyd lacag in ay u diraan dhallinyarada qaraabadooda ah ee soo tahriibaysa ama sawir qaldan oo ay ka baxiyaan nolashooda Yurub. Sawikras oo ay gaar ahaan baahiyaan markii wadamadoodii socdaal ku tagaan ama ay ku baahiyaan aaladaha bulashada ku sheekeysato, sida Faceebook. Moxamed Jimcaale iyo mar kale:

- Markaan weydiinay Yurub markaad timid waxii aad ka filaysay halkaan ma ku aragtay? Waxay dhamaantood yiraahdeen maya. Waa la i soo qalday waxaana i soo qalday oo dhibaatadas i soo mariyey qurbo joogta. Waxay leeyahiin qurbo joogta ayaa sawir qaldan iyo beenabuur ku sabsan Yurub na siiyey. Waxyaabahii aan Faceebook ku aragnay, sawiradii qurxoonaa, cagaarkii waxaas baa na soo jiitay ayey yiraahdeen.

- Laakiin markii aan halkaan nimid ayaa aragnay xaqiiqada dhabta ah. Dadkii naga soo horeeyey oo shaqo la’aan ah, waxbarasho la’aan ah. Sawirkaasna ma yaalo soomaaliya iyo guud ahaan geeska Afrika, ayuu yeri Jimcaale.

Waxaa ugu daran ayuu yeri Jimcaale, heerka aqoon yarida soomaalida tahriibayaasha ah ay gaarsiisan tahay. ”Qof weliba markaan la sheekeysano, waxuu leeyahay kamo warqabin dhibaatdan in uu tahriibka leeyahay. Warbaxin kamo aan heysanin, waxaan keliya ee ka maqlay idaacad tahriibiyaal dhintay.

Xataa kuwa tahriibka ku soo mara saxaraha iyo Liibiya runta ma u sheegaan ehelada iyo asxaabta ay kaga soo tageen dhulkii Geeska Afrika. Ugamana  digaan tacaddiga iyo dhibaatada ay ku soo arkeen tahriibka", ayuu yeri Jimcaale isagoo ugu baaqay soomaalida tahriibka dhabahan ku soo maray ee maanta ku sugan qurbaha in ay qaraabadooda iyo asxaabtooda runta u sheegaan, kana sheekeeyaan tadacyadii ay halkas ku soo arkeen.   

 

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".