Taageerada xisbiga Vänsterpartiet tira-koobkii la sameeyey 16/2 2016.
Taageerada xisbiga Vänsterpartiet tira-koobkii la sameeyey 16/2 2016. sawir: NOVUS

Xisbiga Modaraterna oo noqday xisbiga ugu taageerada badan

3:24 min

Xisbiga Moderaterna ayay taageeradiisu ka saremartay xisbiga Socialdemokraterna.

halkaasina oo ku noqday xisbiga ugu dhumucda wayn xisbiyada siyaasadda ee dalka. Sida ku cad isu geeyn lagu sameeyey tira-koobyadii ugu dambeeyey oo ey sameeyeen shirkadaha ugu waaweyn ee tira-koobyada.  Middaasina oo machadka Novus u sameeyay laanta wararka ee Ekot.

Kolka laga hadleyo xisbiga Socialdemokraterna waa tira-koobkii labaad oo uu xisbigu ku helo taageero ka hooseeysa 25% ee codadka bulshada, waana kaalin u dhiganta middii la oran jiray waa taageero aan wanaag-sanayn muddadii uu xisbiga taladiisa hayay hoggaamiyihii Håkan Juholt.

Carin Jämtin, ahna madaxa xog-haynta xisbiga Socialdemokraterna:

- Wuxuu ahaa sannad aad u dhib badan oo karti badan u baahnaa, sannadkaasina oo xisbigayagu aannu ku guuleey-san in aannu fikirradayada in aannu soo ban-dhigno, oo ey ka mid yihiin shaqa la’aanta, wax-barsho ka wanaag-san iyo sidoo kale in nidaamka hab-nolol wanaagga bulshada la wada gaarsiiyo. Waxaa noo suurtageli waysey in aannu isku xirno su’aalaha socdaalka, shaqada iyo iskuulka.

Xog-hayaha xisbiga Moderaterna Tomas Tobé ayaa sheegay in guusha xisbigu ku hantiyay taageerada ay tahay siyaasadda cusub ee xisbigiisu ka qaatay siyaasadda socdaalka:

- Waxaa kor u sii kacay taageerada bulshadu u hayso xisbiga Moderaterna, maadaama uu dalkani u baahan yahay inuu hakad ka qaato soo-galootiga, si loo sugo dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin sahlan.

Ma waxaad taageereyaal kala soo noqoteen xisbiga Sverigedemokraterna?

- Haa, Xisbiga Moderaterna wuxuu dib u habeeyn ku sameeyay siyaasaddiisii soo galootiga. Iyo in sida aan qabo ey dad badani dareen-san yihiin in xisbiga Moderaterna uu kaga habboon yahay hoggaaminta dalka, kolka loo barbar-dhigo xisbiga Sverigedemokraterna.

Xisbiga Bidixda ayaa isagu ay muuqataa inay taageeradiisu sii kor kordheeyso, isagoona ka kacay 6,9%, gaarayna 7,4%. Halka ey taageerada xisbiyada kale aannu ku dhicin is-bedel la taaban karo.

Taageerada xisbiga Sverigedemokraterna ayaa hoos u dhacday gaartayna 18%, halka ay horay u gaarsiisnayd 19%.

Kolka la eego gara taageerada ey garabyada xisbiyadu ku kala heleen saadaalinta tira-koobka ayuu garabka midig ee Alliansen-ku weli hoggaanka ku haystaa, iyadoona kolka la isu geeyo ey 4% dheer-yihiin garabka Casaan-cagaarka.

Isha/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista