Människor går på rad, med resväskor och ikeakassar, några tittar tillbaka mot kameran. Foto: Anders Wiklund / TT
Nyanlända flyktingar i Malmö. Foto: Anders Wiklund / TT

Dawladda oo degmooyinka ku khasbaysa in ay qaxooti qaabilaan

Laga bilaabo birri, kowda mars, ayey degmooyinka waddanku ku khasban yihiin in ay qaabilaan qaxootiga sharci ka helay Iswiidhan.

Sannadkan ayey tiro gaadhaysa 21 700 qaxooti loo kala qeeybinaya degmooyinka waddanka. Marka loo barbardhigo sannadkii hore, 2015, tiradan ayaa saddex-laabantay.

Degmooyinka ay shaqooyinku ka jiraan islamarkaas na qaabilin qaxooti ayaa laga bilaabo birri khasab ku tahay in ay dadkan qaabilaan.

Vaxholm, Staffanstorp,Vallentuna,Vellinge,Lomma iyo Kungsbacka ayaa ka mid ah degmooyinka aan qaabilin qaxooti faro badan marka loo eego inta qof ee halkaas ku nool.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".