Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Aregawi oo liiska tartanka olompikada laga saarey

La daabacay tisdag 1 mars 2016 kl 10.19
Holm: Waa mid tuhun gelineeysa dhammaan ciyaartooyda.
(2:31 min)
Orad-yahannadda Abeba Aregawi. Sawirle: TT Nyhetsbyrån
Orad-yahannadda Abeba Aregawi. Sawirle: TT

Orod-yahannada Abeba Aregawi oo tababar u joogtay dalka Itoobiya ayaa laga heley inay isticmaashay maado la mamnuucay in la isticmaalo horraantii bishii jannaayo e sannadkan. 

Halka aay war-bixintaasi ka dhex dhalisay dood iyo walaac ballaaran ciyaartooyda ciyaaraha fudud ee Sweden iyo caalamka ciyaaraha.

Malin Ewerlöf, kana mid ah ciyaartooyda ugu magaca-dheer Sweden ayaa sheeegtay inay aad uga xumaatay war-bixintaa:

– Xaqiiqdii, aad ayaan uga argagaxay, maadaama aan aad uga soo hor-jeedo in ciyaaraha lagu sameeyo wax is-daba marin. Maadaaama uu imanayo dareen aan wanaag-sanayn kolka la ogaado iney jiraan is-daba marin baah-san ee guulo lagu gaaro.

Waxaa sidoo kale isaguna walaac middaa ka muujiyay ciyaartooygii hore ee bootinta saare, Stefan Holm, oo horay ugu guuleeystay biladda olompikada ee bootinta sare.

– Waa mid laga xumaado, qaasatan Abeba Aregawi naf ahaanteeda iyo guud ahaan ciyaaraha fudud ee dalkan. Kolka ay soo baxaan wararkan oo kale ayuu tuhun dheeri ah ku yimaadaa ciyaartooyda kale dhammaantood. Nasiib-darro waa xaalado dhaca.

Ururka ciyaaraha fudu ee Sweden ayaa iminka ku dhawaaqay inuu go’aan ku gaaray inuu laba jibbaaray xilliga ciyaaraha laga joojiyo ciyaartooyda isticmaasha ama lagu helo maadooyin ka xaaaraantimeey-san isticmaalkooda, si loo muujiyo halka laga taagan yahay falalkaa.

Halka dhanka kale uu guddiga olompikada ee Sweden dhammaan dib ugala noqdeen taageeradii uu siin jiray orad-yahannada Abeba Aregawi, isla-markaana magaceeda laga masaxay liiska ciyaartooyda sweden uga qeyb geli lahayd tartanka olompikada ee kuleeylaha ka dhici doona magaalada Rio de Janeiro.

Tijaaabadii koowaad ee laga qaaday orod-yahannadda Abeba Aregawi ee lagu magacaabo A-prov ayaa laga heley maadada meldonium, middaassina oo laga bilaabo 1-dii bishii jannaayo ee sannadkan lagu darey liiska caalamiga ee maadooyinka laga mamnuucay iney ciyaartooydu isticmaasho ee lagu magacaabo liiska WADA.

Isha/ Ekot

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".