Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Kaydka sawirrada: Malin Ewerlöf.
Kaydka sawirrada: Malin Ewerlöf. sawir: NILS PETTER NILSSON

Dooddii ka taagnayd Abebe Aregawi oo halkeedii ka socota

Ewerlöf: Waa in baaris lagu sameeyo Aregawi
2:52 min

Malin Ewerlöf oo haray u haysatay rikoorka oroddada 800 iyo 1 500 mitir ee Sweden oo ay ka qaaday orod-yahannadda Abebe Aregawi, iminkan lagu tuhun-san yahay inay isticmaashay maado ka xaaraantimeey-san ciyaartooyda inay isticmaashay ayaa soo jeedisay in dib u baaris lagu sameeyo habka ay rikoorradaa ku jebisay iyo weliba habka ay ku qaadatay dhalashada muwaadin-nimo ee dalka Sweden.

Abebe Aregawi ayaa jebisay labadii rikoor ee Malin Ewerlöf ee 800 iyo 1 500 ee mitir. Iyadoona iminka si xooggan uga dhiidhiday tuhunka laga qabo Aregawi inay isticmaashay maaddada moldonium.

– Aad ayaan uga argagaxay, waa sida aan oran karo. Waxaanan rajeeyn in dadyoowga wax is-daba mariya gacanta lagu dhigo. Mar walba oo arrimmaha noocan ah la soo ban-dhigo dareen aan wanaag-sanayn ayaa la dareemaa iyo iney jiraan dadyoow badan ee sidaa u dhaqma, sida ay sheegtay Malin Ewerlöf oo u warrameeysay laanta ciyaaraha ee idaacadda - Radiosporten.

– Doodo dhowr ah ayaa ka taagnaa habka ay ku qaadatay muwaadin-nimada dalka Sweden iyo inay xaqiiq ahaan doonayso inay u tartanto oo matasho Sweden. Waxaa jiray dareen ah in aanay damacsanayn sidii ay bulshada ku soo dhex geli lahayd, sida ay sheegtay Ewerlöf.

Rikoorrada oroddada oo ey dalka ku jebisay sidey kuula muuqdaan. May sii haysan kartaa mise waxaa loo baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo?

– Xaqiiqdii waxaan jeclaan lahaa in baaris lagu sameeyo. Iyo guud ahaan fikirkeedii ka dambeeyay inay Sweden timaado. Habka ay ku qaadatay muwaadin-nimada dalka iyo inay shuruudihii oo dhan ka soo baxday. Qaybahaasina waa kuwo loo baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo.

Isha/ SR

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".