Saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka oo dad khasab ku tarxiileya. Sawirle: Björn Larsson Rosvall/TT
Saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka oo dad khasab ku tarxiileya. Sawirle: Björn Larsson Rosvall/TT

Heshiisyo tarxiil oo lala galo Afgaanistaan iyo Soomaaliya

Way adkaanaysaa in qaxootiga diidmada ku heley dalka dib dhulkoodii loogu celiyo illaa inta heshiisyo lala gaareyo maamullada waddammada ey ka soo jeedaan.

Hase yeeshee waxaa jira waddammo aanay Sweden iyo waddammada xubnaha ka ah EU aaney la laheyn heshiisyo noocaasi ah, sida waddammada Afgaanistaan iyo Soomaaliya.

Maamulka Sweden ayaa dhowaantan ku adkeeyay hayadda socdaalka, ciidanka ammaanka iyo ciidammada asluubtaba sidii loo dardar-gelin lahaa dib u celinta qaxootiga dalka ku sugan ee diidmmada ku heley dalabkoodii magan-gelyo doon. Iyadoona ey dadkaasi qaarkood si mutadawac ah dalkoodii hooyo dib ugu laabtaan, halka qaarkood ey dalka isaga baxaan, hase yeeshee ey jiraan qaar badan ee loo baahan yahay in dalkoodii hooyo si khasab ah loogu tarxiilo.

Sababaha aaney qaar badani dalkoodii ugu noqon ama loogu celin karin ayay ka mid tahay iyada oo aanu dalkani heshiis noocaasi ah la laheyn waddammadaa. Midkaasina oo sahli lahaa sidii tarxiil dib u celin loogu sameeyn lahaa.

Heshiiska ayaa xal u ah

- Xalka ugu muhiim-sani wuxuu yahay in heshiis dib u celineed lala gaaro. Waa halka ey badankood qaxootiga sharci-la’aanta ahi ugu sugan yihiin dalkan, sida uu sheegay agaasimaha guud ee hayadda socdaalka Anders Danielsson oo u warramayay hayadda wararka Sweden ee TT.

- Waddammadaasina oo ey ka mid yihiin Afgaanistaan iyo Soomaaliya, sida uu sheegay.

Dawladda Sweden ayaa la leh heshiis dib celin tarxiil waddammo gaarsiisan 17, halka 15 kalena ey si dadban ula leeyihiin maadaama uu ururka EU la galey waddammadaasi heshiisyo noocaasi ah. Waddanka Ciraaq oo uu dalkani heshiis la galay ayaanu heshiiskaasi iminka ahayn mid shaqeeynaya. Sidoo kale waxaan iyaguna shaqeeyneyn heshiisyadii uu dalkan iyo EU-ba la galeen waddammada Marooko, Tuuniisiya iyo Aljeeriya, kuwaasina oo la xiriira dooddii dhallaanka waddooyinka Yurub ku nool.

Dawladda Sweden ayaa aad isugu taxalujineeysa sidii ay heshiis dib u celin ula geli lahayd dalka Afgaanistaan. Iyadoona la isla soo hadal qaaday ammuurtaa safarkii uu bishii diseembar 2015 uu Sweden ku yimid madax-waynaha Afgaanistaan.

- Waa inaan guul ka gaarno, maadaama baahi ballaaran loo qabo, sida uu sheegay wasiirka socdaalka Morgan Johansson (S).

Madaxa laanta xuduudaha ee ciidanka ammaanka, Patrik Engström ayaa sheegay in loo baahan yahay siyaasadda iyo diblamaasiyaddu iney si wada-jir ah uga shaqeeyaan sidii loo kordhin lahaa tirada tarxiilka khasabka ah ee dadyoowga diidmada ku heley dalabaadkoodii magan-gelyo.

Tarxiil dayuurado khaas ah loo kireeyo

Waxaa jira taxiillo khasab ah ee u hir-gala sidii heshiisyada lagu wada gaaray oo carriga Koosovo uu ka mid yahay. Iyadoona ay hayadda socdaalku ku soo ban-dhigtay xisaab-xirkeedii sannadkii ina dhaafay shan dayuurradood oo khaas ah loona kireeyay sidii dib loogu celin lahaa dadyoow gaarsii-san 411 oo si mutadawac ah ugu laabtey Koosovo iyo Albaaniya.

Goolka laga leeyahay in heshiis la gaaro ayaa ah sidii loo hubin lahaa in waddankaasi dib u qaabili doono muwaadiniintiisa diidmada la siiyey. Waana mid uu xeerka caalamigu ku khasbayo, hase yeeshee uu heshiis la wada gaaraa sii adkeeynayo. Heshiiska ayaa sidoo kale qeexaya habka dib u celintu u dhici karto, waraaqaha aqoonsiga ee shakhsigu u baahan yahay, foomamka loo baahan yahay in la buuxiyo iyo cidda lagala xiriireyo ee dalkaasi.

Sannadka ayaa la saadaalineyaa iney diidmo dalabaadkooda ku helaan qaxooti lagu qiyaasay 30 000 oo ruux, halka ey horay diidmo middaa la mid ah u haysteen kummanaan, hase yeeshee aaney dalka ka bixin. Halka uu wasiirka socdaalku sheegay iney sidoo kale jiraan dadyoow dalka isaga baxa kolka ey diidmo ku helaan. Sannadkii hore ayey dalka ka tageen 12 000 oo ruux oo 3 000 oo ka kid ah khasab loogu tarxiiley waddammadoodii.

- Isku celcelin waxay noqon in 1 000 ruux ey dalka isaga baxaan bil walba. Mana ahan wax jira in aaney cidina bixin. Hase yeeshee waxaa loo baahan yahay in tiradaa kor loo qaado, sida uu sheegay Morgan Johansson, ahna wasiirka cadaaladda iyo socdaalka ee dalka Sweden.

Isha/ TT

                                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".