E-cigarett-cabe. Sawirle: www.the-best-electronic-cigarette-review.com/ Flickr (CC BY 2.0)
E-cigarett-cabe. Sawirle: www.the-best-electronic-cigarette-review.com/ Flickr (CC BY 2.0)

Sigaarka oo laga mamnuuci doono goobo badan

In wax laga bedelo xeerka tubaakada
2:21 min

Sigaarka oo laga mamnuuci doono dibadaha maqaayadaha, agagaarka meelaha albaabbada laga galo, goobaha lagu sugo gaadiidka dad-weynaha iyo tareemmada, goobaha dhallaanka lagu ciyaarsiiyo iyo wixii la mid ah:

In la mamnuuco in dukaammada la dhigo goobo muuqda oo laga arki karo sigaarka iyo sidoo kale inaan sigaarka noociisa e-sigareetka loo yaqaanno laga mamnuuco goobaha sigaarku ka xaaraantimeeysan yahay, waxey ka mid ahaayeen fikirro lagu soo ban-dhigey baaritaan maanta gacanta loo geliyey dawladda.
Halka ay bulshada Sweden badankood soo dhoweeyneyaan fikirradaa, sida ku cad baaritaan dhowaantan la sameeyey. 

Baaraha gaarka ah ee dawladda Göran Lundahl baaritaankiisa ayaa lagu soo ban-dhigay ”dib u eegis lagu sameeyey xeerka tubaakada/sigaarka”, midkaasina oo lagu soo ban-dhigey in shati khaas oo khasab ah lagu soo rogo iibinta tubaakada iyo sidoo kale in goobo badan laga mamnuuco sigaarka cabiddiisa goobo dibadda ka mid ah.

Intaa waxaa dheer in e-sigareetka waxa loo yaqaanno sidoo kale laga mamnuuco goobaha aan sigaarka loo ogoleyn.

– Dhan waxaannu dooneynaa inaan bulshada inta aan cabin ka dhowrno sunta sigaarka, iyo sidoo kale in sigaarka laga dhigo ama uu u muuqdo wax aan caadi ahayn, sida uu sheegay Göran Lundahl.

Qaar badan oo ka mid ah fikirrada uu baaruhu soo jeediyay ayey badankood bulshad Sweden ku taageer-san tahay, sida ay sheegtay Ulrica Sundholm, kana mid tirsan howl-wadeennada khasnadda dhaqaalaha cudurka kaankarada - Cancerfonden.

– Saddex daloolow laba ayay bulshadu taabac-san tahay in sigaarku aannu ka muuqan dukaammada lagu iibiyo. Middaasina oo looga gol leeyahay dhimista dhallaanka caba sigaarka, iyo in laga caawiyo ciddii dooneysa iney iska joojiso, sida ay sheegtay.

Fikirradan baaraha ayaa sidoo kale khuseeya tubaakada. Iyo in aan tubaakada lala mid dhigin sida raashinka la cuno oo kale, sida uu xeerku imina qoreyo.

Baarista ayaa lagu soo ban-dhigey in xeer cusub ee tubaakada quseeyaa uu hir-galo ugu dambeeyn 1-da bisha jannaayo ee sannadka 2018.

Isha/ Ekot

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".