Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Säpo oo hoos u dhigtay darajada cabsida fal argagixisnimo

Säpo oo hoos u dhigtya darajadii cabsida
1:36 min
Sawirle: Maja Suslin/TT
Sawirle: Maja Suslin/TT sawir: Maja Suslin/TT

Ciidanka ammaanka dalka Sweden ee Säpo aya hoos u dhigay darajadii halista laga baqayey inuu dalka ka dhaco fal-argagixis.

Darajadaasina oo laga dhigay saddex, halkii ay horay uga ahayd afar, halka midda ugu sarreeysaa tahay shan.

- Markii aan sameeyney qiimeeyn ayaannu go’aansanney in dib loogu noqdo  darajadii saddexaad ee cabsida laga qabo inuu dalkan ka dhaco fal argagixis-nimo, halka ay horay uga ahayd afar, darajadaasina oo la gaarsiiyey bishii noveembar oo magaalada Baariis uu ka dhacay falka argagixis-nimo, sida uu war-saxaafadeed ku qoray bogga internetk-ka ee hayadda madaxa ciidanka ammaanka Säpo Anders Thornberg.

Novembar 2015 ayaa kor loo qaaday.

Sidaasi oo ay tahay ayaanay hoos u dhigidda darajada ah cabsida laga qabo inuu dalkan ka dhaco fal argagixis-nimo ahayn mid meesha laga saaray. Iyadoona sida ay sheegtay laanta NCT ee qiimeeynta cabsida laga qabo inuu fal-argagixis-nimo dalka ka dhaco inay Sweden tahay waddan ey la dooneyaan falal noocaasi ah dad dalka dibaddiisa iyo gudahaba ku sugan.

Anders Ygeman, wasiirka arrimmaha gudaha Sweden oo faallo qoraal ah ka bixiyay tallaabada ay ciidanka nabad-sugiddu ku dhaqaaqeen gelinkii hore ee manta ayaa sidan u qornayd.

"Kalsooni ballaaran ayaan ku qabaa ciidanka nabad-sugidda iyo go’aammada ey gaaraan ee la xiriira ammaanka dalka. Darajadan hoos loo dhiigay maahan macnaheedu in halistii ay baaba’day. Waa inaan si adag uga taxadarnaa. Ciidammada ammaanka iyo nabad-sugiddana waxaa saran howl oculus, sida uu qoray Ygeman.

Isha/ Säpo

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se


Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".