Foto: Juan Barreto/TT
Foto: Juan Barreto/TT

Hubka ay Iswiidhan dhoofiso oo hoos u dhacay

Hubka ay Iswiidhan u dhoofiso waddamada kale ayaa hoos u degay sannadkii hore 2015 marka loo barbardhigo 2014. Sidaas waxaa sheegay warbixin ay Inspektionen för strategiska produkter(ISP) maanta shaacisay.

2014:kii ayey lacag gaadhaysa 8 billion oo koroon Iswiidhan ka soo gaadhay ganacsigan. Lacagtan ayaa maanta ah 7,6 billion, tan ayaa ka dhigan in u ganacsigani hoos u dhacay boqolkii ba 4.

Boqolkii ba 80 hubka ay Iswiidhan dhoofiso ayaa taga EU, Kanada, Suudkorea iyo Ameerika. Hasayeeshe waddanka ay Iswiidhan si xoog leh ugu dhoofiso hubkan ayaa ah Norway, khaasatan dadaabadaha.

Hindiya iyo Thailand ayaa iyaguna ka mid ah waddamada ay Iswiidhan hubka u dhoofiso, boqolkii ba 20 hubka ay Iswiidhan dhoofiso ayaa halkaas taga.

Dhowr waddan oo nidaam kelitalisnimo ka jirto, tusaalahaan Sacuudiga, Kuwaait, Cimaaradka iyo Qatar ayaa iyaguna ka mid ah wadamadda ay Iswiidhan hubka u dhoofiso. 

Isha/ Ekot,ISP

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".