Riksgränsen mot Sverige.
Riksgränsen mot Sverige. Foto: Sofie Lind/Sveriges radio.

Kontoroolka xaduudaha oo waqtiga loo dheereeyey

Dowladda Sweden ayaa waqtiga u kordhisay kontoroolka kumeelgaarka ah ee xaduudaha waddanka.

Kontorolka xaduudaha ayaa lagu daray 30 maalmood, sida uu maanta ku dhawaaqay wasiirka socdaalka Morgan Johansson oo shalay ka qayb-galay kulan dhexmaray wasiiradda socdaalka ee waddamada laysku yiraahdo waqooyiga Yurub.

Kontoroolka kumeelgaarka ah ee xaduudaha Sweden ayaa la soo rogay bishii november si loo yareeyo qaxootiga Sweden ku soo qulqulaya.


- Weli waan u baahannay kontoroolka xaduudaha waddanka. Weli qatar ka dhan ah amniga iyo kalo denbeynta ayaa jira, ayuu yeri Morgan Johansson wasiirka socdaalka oo la hadlayey laanta Ekot.

Inkastoo ay hoos u dhacday tirada qaxootiga ah ee Sweden soo gaarayey, hadana wasiirka waxuu qabaa in ay lagamo maarmaan tahay in kontoroolka xaduudaha waqti lagu daro.

- Haa, waan aragnaa xaaladda qaaradda oo dhan ka taagan, xaalka faraha kamo baxin keliya dalka Geriiga oo sannadkan keliya soo galeen tiro kor u dhaafeysa 100 000, balse wddanka Jermalka bishii Janaayo keliya waxaa soo gashay tiro ka badan 90 000. Waxaan sidoo kale ognahay tiro ka badan boqol kun in ay waddanka ku sugan tahay oo weli ka dalbanin magangeliyo. Marka waxaan ka cabsi qabnaa haddii xaduudaha la furo in dhaqso ugu noqono xaaladdii waddanka ku sugnaa dayrtii, ee marka horeba keentay kontorool xaduudaha in aan ku soo rogno, ayuu yeri Morgan Johansson.

/ Ekot

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".