Kooxda xeegada barafka soomaalida ee magaalada Borlänge. Sawirle: Kenadid Maxamed
Kooxda xeegada barafka soomaalida ee magaalada Borlänge. Sawirle: Kenadid Maxamed

Ciyaartooyda xeegada barafka Borlänge oo looga badiyay 8:1

Ciyaar saaxiibti-nimo oo ka dhacday Stockholm
6:58 min

Ciyaar saaxiibtinimo oo galab-nimadii shalay ka dhacday magaalada Stockholm ayey isku hardiyeen ciyaartooyda xeegada barafka soomaalida reer Borlänge iyo Stockholm.

Halkaasina oo ay guushii ku raacday reer Stockholm oo ku guuleeystay 8:1. Ciyaari waa gelin dambe ayey ku hamiyeem ciyaartooydii soomaalida ee ka socotay Borlänge.

Ciyaartan saaxiibti-nimo ee loogu talagaya markeedii hore inuu goob-joog ka ahaado madax-waynaha dawladda Federaalka Soomaaliya oo booqasho la filayay inuu ku yimaado Sweden ayuu goob joog ka ahaa wasiirka ciyaaraha iyo caafimaadka Gabriel Wikström oo aannu wareeysi kula yeelanney goobtii ciyaartu ka dhaceeysay. Isagoona uu wasiirku sheegay inuu dalkani leeyahay taariikh soo yaal ah ee ururrada ciyaaraha. Gabriel Wikström: 

- Qiime ballaaran ayay ku fadhidaa. Dhan marka la eego ciyaartooyda kooxda ka midka ah ee kooxda dhismaheeda ku howlan, sidii loo dhisi lahaa kalsoonidooda iyo kaalinta ay bulshada ku leeyihiin ama ka geli karaan. 

- Waxaan sidoo kale la hadlay qaar ka mid ah kooxda ciyaartooyda kuwoodii ugu horreeyyay ee bilaabay, waxayna ii sheegeen inay ciyaartani kaalin wayn ka qaadatay sidii ey bulshada u soo dhex-geli lahaayeen iyo nidaamka dalka ka jira oo ey ka mid yihiin doorashada iskuulka ama maaddada ey xiiseeynayeen. Marka faa’iidada lagu qabaa way ka ballaaran tahay sida aannu moodyno, sida uu sheegay Gabriel Wikström, ahna wasiirka ciyaaraha iyo caafimaadka. 

Cabdullaahi Cismaan Salaad, kana mid ah dhallin-yaradii bilowday kooxda xeegada barafka ee magaalada Borlänge ayaa aamin-san fikir la mid ah midka uu wasiirka ciyaaraha Gabriel Wikström aamin-san yahay iyo in ciyaaruhu yihiin albaab laga galo nidaamka is-dhex-galka:

Ciyaaraha iyo is-dhex-galku waa wax wada socda? 

- Aad iyo aad, sida uu sheegay wasiirku.

Ciyaartii ka dhacday magaalada Stockholm eyna ku kulmeen kooxda xeegada barafka ee soomaalida reer Borlänge iyo dhiggooda magaalada Stockholm oo aannu intii ciyaartaasi socotay aannu ka warreeysaney mid ka mid ah ciyaartooydii reer Borlänge ayaa noo sheegay inuu rajeeynayo guul ay kooxdiisu ka soo hoyaan, inkastoo xilliga aannu wareeysiga la yeelanney ay ciyaartu mareeysay 2:1 oo kooxda soomaalida looga sitay: 

Sida uu sheegay Gabriel Wikström, wasiirka ciyaaraha in dawladda uu xubinta ka yahay ku dadaaleeyso sidii ay u miisaaniyad gelin lahayd dhaqaalaha ku baxa ciyaaraha qaasatan ajaaniibta dalka ku cusub sidii ey qeyb uga noqon lahaayeen, iyadoona sannadkan ay dawladdu u qoondeeysay miisaaniyad gaarsiisan:

- Sannadkii hore ayay dawladdu ugu deeqday miisaaniyad dheeri ah oo gaarsii-san 52 malyan oo koron iyo sidii ey ururrada ciyaaruhu uga qayb qaadan lahaayeen is-dhex-galka dhanka ciyaaraha ee ajaanibta dalka ku sugan, halka sannadkan ay dawladdu u qoondeeysay 64 malyan oo koron. Waana lacag dhowaan ururrada ciyaaraha ee dalka loo qeybin doono iyo sidii ey qayb uga qaadan lahaayeen howlaha is-dhex-galka iyo weliba sidii ajaaniibta dalka ku cusub loogu soo dhoweeyn lahaa dalka, sida uu sheegay wasiirka ciyaaraha oo ay idaacadda Radio Sweden laanteeda afka soomaaligu wareeysi kula yeelatay shalay mar uu goob joog ka ahaa ciyaartii xeegada barafka ee magaalada Stockholm ku dhex martay kooxdii soomaalida ee Borlänge iyo dhiggooda ee magaalada Stockholm oo ku dhammaatay 8:1 looga badiyey kooxdii soomaalida.

Isha/ Radio Sweden

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".