morgan johansson
Regelskärpningen bygger på överenskommelsen mellan regeringen och de fyra borgerliga partierna i höstas. sawir: Henrik Montgoremy/TT.

Ajaaniibta sharciga loo diiday oo xeerka lagu adkeeyey

Qaxootiga dalka ku cusub ayaa deegaanka u baahan
1:56 min

Dawladda Sweden ayaa maanta go'aan ku gaartay in dadyoowga diidmada ku heley dalabkoodii magan-gelyo laga mamnuuco iney sii deggenaadaan xeryaha qaxootiga, isla-markaana laga jaro kaalmada dhaqaale ee la siiyo.

Goolka ay dawladdu ka leedahay tallaabadan ayaa ah sidii ey dadyoowgaasi si mutadawac ah dib ugu laaban lahaayeen waddammadii ey ka yimaaddeen, sida uu qoraya war-geeeyska maaalinlaha ee Dagens Nyheter.
Adkeeynta xeerkan ayaa ka dambeeysa heshiis ey wada-jir u gaareen xisbiyada ku bahoobay maamulka dalka iyo xisbiyada mucaaradka ee Alliansen dayrtii ina dhaaftay. Heshiiskaas oo dhowaantan la fileyo in loo gudbiyo guddiga xeerarka ee baarlamanka. Iyadoona si la rajeeeyneyo lagu talo jiro inuu xeerkani hir-galo 1-da bisha juun ee sannadkan eynu ku jirno 2016. 

Wasiirka socdaalka ee dalkan Sweden Morgan Johanssson oo go'aankaa ay ka waareeysatay laanta wararka ee Ekot ayaa sheegay in go'aankani quseeyo dadyoowga qaan-gaaarka ah ee aan qooyska ahayn oo kolkii go'aaan diidmo ah dalabkooda laga gaaro, ey ku khasbanaan doonaan in lagala noqdo hoyga ey ka deggan yihiin xeryaha qaxootiga, isla-markaana laga joojiyo gunno maalmeeedka nololeed ee la siiyo.

"Waaa iney waddammadii ey ka yimaadeen dib ugu noqdaan, sida uu sheegay wasiirku. Isagoo hadalkiisii sii watana uu sheegay in tallaabadan ay ugu wacan tahay in xeryaha ey ku jiraaan loogu baahan yahay soo-galootiga cusub ee dalka socdaalka ku yimid".

Källa/ Ekot

                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".