Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

"Lacagta yarta ah oo la jarto waddanka ugama tagayo"

La daabacay fredag 4 mars 2016 kl 10.41
"Lacagta yarta ah oo la jarto kuma tageyno"
(1:17 min)
En tonåring med huvtröja i en park. Foto: Robin Haldert/TT.

Dowladda ayaa dooneysa in laga jaro lacagaha kaalmada ah dadka magangeliyo doonnkooda diidmada laga siiyey.  

Cabdiqadir Osman oo ka mid ah dadka sharciga looga diiday Sweden ayaa sheegay in lacagta kaalmada oo laga jarto aysan u keeneynin dib in uu ugu noqdo "dabkii" uu ka soo cararay ee Soomaaliya.

Shalay ayey Dowladda Sweden go'aan ku gaartay in lacagta kaalmada ah laga jaro dadka magangeliyadooda go'aan diidmo oo hirgalay laga gaaray. Ujeedada dowladda ay ka leedahay waxay tahay in dadkan ay si iskood ah dib ugu laabtaan waddamadii ay ka yimaadeen. Hindisahan ayaa la filayaa in ay hirgeli doonto oo sharci noqon doonta kowda bisha Jun.  

Cabdiqadir Osman waxuu bishii ka helaan 1 200 karoon hey'adda socdaalka ee Migrationsverket, lacagtan oo lagu talo galay in uu nolal maalmeedkiis ku maareeyo. Taas oo dowladda hadana dooneyso in ay goosato. 

- Anniga maba ku qanacsaneyn 1200 boqol ee waxaa ku qanacsanahay dadka in ay shaqeystaan oo warqadaha shaqada loo ogalaado. Dabcan wey i saameynee laakiin ma ahan go'aan igu saameynaya in aan dalka iskaga baxo, ayuu yeri Cabdiqadir Osman.



Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".