Фото: ТТ
Фото: ТТ

Maxaa hortagan ajaaniibtu iney xabsiyada ka howl galaan

Shaqaale ku hadla luuqado kala duwan
2:02 min

Hayadda ciidammada asluubta ayaa bilaabi doonta aqoon-korosi gaar ah oo la xiriira luuqadda iswiidhishka looguna talo galey sidii ajaaniibta loogu soo jiidi lahaa ka howl-galka hayadda ciidammada asluubta.

Go'aankan ayaa ka dambeeyay, maadaama la arkay in dadyoow dalka dibaddiisa ka soo jeedaa ey ka shaqo waayeen hayadda luuqad darrada aawadeed:

- Rajadayadu waxay tahay in dadyoowga ajaaniibta ah ee ku haminaya iney shaqo ka helaan hayadda ey ugu suurtageli lahayd. Waxaannu u baahannahey shaqale arrimmahaa ka soo bixi kara iyo sidii aannu shuruudaha u dhimi lahayn, sida uu sheegay Johan Modin, ahna madaxa shaqaaleeynta ciidammada asluunta.

Maamulka ciidammada asluubta ayaa dareen-san in dadyoow ajaaniib ah oo jeclaan lahaa iney hayadda ka haowl-galaan aaney ka soo bixi karin aqoonta luuqadda.

Iyadoona ay maanta xabsiyada dalka ka howl-galaan shaqaale gaarsii-san 200 oo ruux ugana shaqaaleey-san siyaabo kala duwan. Inkasta oo sababaha ey shaqa joogta ah aaney dhammaantood ugu haysanina tahay luuqadda aawadeed. Balse iminka ay dawladda dalku ku amartay hayadaha dawliga ah dhammaatood sidii ey goobo shaqo oo tijaabo ah u siin lahayd dadyoowga ajaaniibta ee dalka ku cusub, sida uu sheegay Johan Modin.

Isha/ Ekot

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".