Shakhsi lagu dilay xero qaxooti oo ku taala Lindsberg

Saaka subax-nimadii ayaa nin ku geeriyooday kadib kolkii mindi lagu dhaawacay xero qaxooti oo ku taala nawaaxiga degmada Lindsberg, halkaasina oo ciidanka ammaanku gacanta ku dhigeen saddex ruux oo lagu tuhun-san yahay dilkaasi.

Marxuumka oo dhaawac mindi looga geeystay dhuunta ayaa ku geeriyooday cusbitalka, sida ay qortay jariidada Nerikes Allehanda.
Saddexda ruux ee dailka lagau tuhun-san yahay ayaa dhammaantood ey ku dhaqnaayeen xerada qaxootiga, da'doodana lagu qiyaasay illaa iyo 30 jirro. Inkasta oo aan la caddeeyn illaa iyo hadda sababta ka dambeeysay dilkaasi.

Isha/ SVT, Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista