Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Laalush loo ballanqaado carruurta kelinimada ku timaada

La daabacay måndag 7 mars 2016 kl 10.18
Foto: Lars Pehrson/TT och Fredrik Sandberg/TT
Foto: Lars Pehrson/TT och Fredrik Sandberg/TT

Waxaa dhacda in shirkadaha keena qoysaska lala dejiyo carruurta qaxootinimada keligood ku timaada ay lacag u balanqaadaan carrurtan haddii ay doortaan qoyska ay shirkado wadato. 

Sidas waxaa maanta weriyey wargeyska Svenska Dagbladet.

Dhowr Carruur ah oo wargeyskan la sheekeystay waxay u sheegeen in dad ka socda shirkado soo raadiyeen una balanqaadeen lacago haddii ay doortaan qoysaska ay shirkadooda wadato.

Gabadh 14 sanno jir ah oo ku nool magaalada Uppsala ayaa wargeyskan u sheegtay in dad ka socdo shirkad familjehem ah u balanqaadeen saddex kun bishii, waxayna ku yiraahdeen lacagtan waxaad u dirsan kartaa reerkaaga haddii aad dooratid in lagula dejiyo qoyska aan annagu keenay, waa sida uu weriyey wargeska SVD.

Qoysaska lala dejiyo carruurta qaxootiga keligood ku yimaada Sweden ayaa bishii ku qaata ugu yaraan 19 000 kr halkii cunug. Wargeyskan Svenska Dagbladet ayaa  sidaan oo kale ukuurgal oo horey u sameeyey  lagu sheegay in qoysas deeymo badan lagu leeyahay lala dejiyey carruur waddanka ku cusub.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".