Foto: Adam Ihse/TT
Iskuulka Kronan ee weerarka ka dhacay. Foto: Adam Ihse/TT

Boliska oo soo afjaray baarista weerarkii iskuulka Trollhättan

Boliska ayaa maanta soo afjaray baarista weerarkii dadka lagu dilay ee ka dhacay bishii oktoober iskuulka Kronan magaalada Trollhättan.

Sten-rune Timmersjö oo ah sarkaalka boliska u qaabilsanaa baarista weerarkan ayaa asagoo la hadlayey laanta Ekot waxuu sheegay in baarista ay ku sameeyeen muujineyso in aysan jirin qof kale oo ku lug lahaa weerarkan.

Maadaame gacan ku dhiiglahii weerarka geystay goobta lagu dilay aysan jirin cid kale oo weerarkan ku raad laheyd oo dacwad lagu soo oogayo.

Weerarkan bishii oktobber ka dhacay iskuulka Kronan magaalada Trollhättan, waxaa ku geeriyoodey ardey 15 sanno jir soomaali ah iyo macalin. Weerarka waxaa geystey 21 sanno jir Anton Lundin Pttersson oo boliska ay goobta ku toogteen kaddib markii iskuulka ku weeraray isagoo ku hubeysan seef.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".