Kaahin Ahmed
Kaahin Ahmed waxuu ka gilgilshay shaqaalo caafimaad oo hadalo cunsuriyad ah ka baahiyey soomaalida. Qoral uu arrinkan kaga hadlayo ayaa maanta lagu daabacay wargeyska Aftonbladet. sawir: privat

Kaahin: waa wax laga naxo in shaqaale caafimaad ku hadlaan cunsuriyad intaa gaarsiisan

"Waa in lagala noqdo aqoosniga dhartarnimada"
3:50 min

Kaahin Axmed ayaa ka mid ah soomaalida Sweden ee ka gilgilatay hadalo cunsuriyad ah oo shaqaale xarumaha caafimaadka ka howl-gala ku qoreen bogag ay ku sheekeystaan qolyaha cunsuriyiinta.

Wargeyska Aftonbladet ayaa todobaadkan kashifay nin dhaqtar ah oo ku qorey bogga la yiraahdo avpixlat in soomaalida yahiin ”dad caqli liita oo maskaxda cuuryaan ka ah”.

Kaahin Ahmed ayaa qoraal dood ah oo lagu daabacay maanta wargeyska Aftonbladet ku dalbaday in shaqaalahan caafimaadka ee hadaladaan ku hadlay tahay in lagala noqdo aqoonsiga xirfadooda shaqo, maadaame ay jabiyeen oo denbi ka galeen anshaxa u yaala caafimaadka.

- Shaqaalaha caafimaadku waa in uu salim ka yahay waxa loo yaqaan rasism ama cunsuriyad. Waa in qofka caafimaadka ka shaqeeya bini’aadnimada kalo weyntahay midabtakoor, aflagaado iyo faquuq uu ku sameeyo dad gaar ah.

- Shaqaalahan waxay jabiyeen anshaxii iyo sharuucda u yaala caafimaadka. Waxay ku cakeen waxay dhaawac u geysaneysaa wasaaradda caafimaadka iyo guud ahaan dhaqaatiirka ka howl-gasha, ayuu yeri Kaahin Ahmed oo qadka telefoonka uu ku wareystay weriye ka tirsan idaacaddan Raadiyaha Sweden.

Kaahin Ahmed waxuu xubin ka yahay xisbiga Moderaterna, una fadhiyaa golaha deeganka Rinkeby-Kista 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".