Nadia Murad oo Stockholm ku sugan.
sawir: Rafand Ahmad/Sveriges Radio.

Gabar ey Daacish muddo kufsi kula kacaysey oo Iswiidhan soo gaartey

Daacish iyo kufsiga gabdhaha
1:34 min

Dalkaan Iswiidhan ayaa waxaa iminka ku sugan Nadia Murad oo ah gabar aaminsan diinta Yaziidiga taas oo muddo dhowr bilood ah u qafaalneyd ururka Daacish kuwaas oo si khasab ah gabadhaas ugu galmoonayey.

Nadia Murad ayey markii danbe u suuragashey in ay ka soo baxsato ururkaas xagjirka ah ee khasabka ku heystey, waxayna u istaagtey sidii ay ugu halgami laheyd difaaca dumarka la kufsado, sidoo kalana waxay magaalada Stockholm kula kulmeysaa wasiirada arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan Margot Wallström.

-Maanta Iswiidhan baan joogaa, horeyna meelo kale ayaan u soo marey, waxaana meelahaas oo dhan ka sheegey in la jabiyo ururka Daacish, gabdheheena iyo haweenkeena ay qafaalka ku heystaana  laga soo xoreeyo,dhanka kalana la caawiyo dadka ka soo qaxaya dalalka ururkaasi ka hawl galo, ayey tiri Nadia Murad.

Nadia Murad oo iminka 21 jir ah ayaa hal sano iyo bar ka hor waxaa qafaashey ururka daacish kuwaas oo geystey magaalada Mosul ,muddo saddex bilood ahna si isdabajoog ah u kufsanayey .

Nadia Murad ayaa sheegtey in ay jiraan malaayiin qof oo guryahoodii ka soo qaxay kuwaas oo aan ku noqon karin maadaama aysan halkaas ka jirin dawlad difaaci karta iyo xataa dal aamin ah oo ay ku noqdaan sidaas daraadeed waa in adduunka oo dhammi arrinkaas indhihiisa u furaa waxna ka qabtaa, ururka Daacishna waa in la jabiyaa ayey tiri Nadia Murad.


Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".