Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Takhtar.
sawir: Sawirkii :Claudio Bresciani/TT

In degdeg loo qiimeeyo dhakhaatiirta ajaaniibta xirfaddooda

Dadka soo galooiga ah ee leh waxbarashooyinka caafimaadka la xiriira ayaa hadda waxay si dhakhso ah u helaan aqoonsiga xirfaddooda la xiriira, sidaasna waxaa lagu sheegey waaxda wararka ee talefishinka Iswiidhan.

Tusaale ahaan sida laga soo xigtey hey’adda dalkaan u qaabilsan arrimaha bulshada takhtarka takhasuska leh ee ka yimid dalalka ka baxsan ururka midowga Yurub ayaa hadda wuxuu sugaa siddeed bilood oo kaliya si waxbarashadiisa loo qiimeeyo taas oo awal qaadan jirtey muddo 18 bilood ah.

Safkii arrinkaas loogu jirey ayaa si xoog leh hoos ugu dhacey waliba  iyadoo ay saddex jibaarmeen saadexdii sanoo la soo dhaafey codsiyada arrinkas la xiriira.

Hay’adda dalkaan Iswiidhan u qaabilsan arrimaha bulshada ayaa dawladda ka heshey lacag dheeraad ah oo dhan 65 milyan oo karoon si hawlahaas loo fududeeyo waqtiga la sugayana loo soo koobo.

Xogta : SVT/TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".