Anton Lundin Pettersson
Anton Lundin Pettersson

Weerarkii Trollhättan oo laba asbuuc ka hor la sii qorsheeyey

1:09 min

Anton Lundin Pettersson oo 21 jir ah ayaa laba usbuuc ka hor sii qorsheeyey dilkii uu saddexda qof bishii oktoobr ee la soo dhaafey ugu geystey  dugsiga Karonan oo ku yaala degmada Trollhättan, sida ku cad baaristii booliisku ninkaas ku sameeyey oo maanta la soo bandhigey.

Xiligaas uu dilka qorsheynayey ayaa ninkaani fasax wuxuu ka qaatey goobtii shaqo ee uu tababarka u joogey ka dibna warqad ruqso ayuuba u qorey, wuxuu jartey timaha ,wuxuu qaatey dhar uusan horey ugu labisan jirin, wuxuuna kharash gareeyey dhammaan lacagtii uu heystey.

Booliiska ayaa sheegey in dilkaasi  ahaa mid cunsuriyad iyo naceyb la xiriira.

Lundin Pettersson ayaa si ku talagal ah  u doortey iskuulkaas uu weerarey maadaama ardeyda iskuulkaas dhigataa u badan yihiin kuwo asalkoodu ajaanib yahay.

Danbi baarayaasha ayaa dhanka kale xaqiijiyey in ninkaas dilka geystey ahaa mid fayow oo aan madaxa looga jirin isla markaasna aan wax maandooriye ah isticmaalin xilligii uu falkaas geysanayey.

Lundin Pettersson ayaa iskuulkaas ku diley ardey 17 jir ahaa ,macalin 42 jir ahaa iyo 20 jir ardeyda waxbarashada ka caawin jirey ,wuxuu kaloo dhaawac u geystey ardey yar oo kale.

 

Xogta : TT

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista