Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Caasha: "Maacquul maaha in u keli qorshaayey falkan"

La daabacay torsdag 10 mars 2016 kl 13.13
"Waa in baadhitaanka la sii wado"
(2:07 min)
Aaskii Axmed Xasan oo lagu dilay Trollhättan. Sawirle: Muna Ismail/SR
Aaskii Axmed Xasan oo lagu dilay Trollhättan. Sawirle: Muna Ismail/SR

Baadhitaankii ku saabsana falkii argagaxisnimo ee ka dhacay iskuulka Kronan ee magaalada trollhättan, halku argagaxiye Anton Lundin Pettersson saddex qof ku dilaay ayaa la goaamiyay shalay in hoos loo dhigo.

Caasha oo ah hooyo u ah gabadh Lundin Pettersson ka baxsatay markey aragtay in u sito seef dheer, ayaa ka shakeeynaysa dareenkeedi markey ay akhriday warka in baadhitaanka hor loo wadi doonin.

Baadhitaankan oo maanta la shaaciyay ayaa sheegaya in u ninka dilkan geystay keli ahaa, dad kale na ka dambeeyn ayuu u jeeda Sten- Rune Timmersjö oo baadhitaankan hogaamiyay, kana dambeeyay go´aanka in hoos loo dhigo.

Hasayeeshe Caasha ayaan fikirkan la qeeybsaneyn Timmersjö, madama ay macquul iyada la ahin in u ninkani keli qorshaayey falkan.

Sido kale waxaa baadhitaankan ka caddaatay in u Lundin- Pettersson ahaa nin xiiso u qaba dagaalkii labaad ee aduunka iyo fikirka faashistiga ah.

Islamarkaas ayaa baadhitaankan laga ogaaday in u ninkani maskaxda ka bukin.

Lundin- Pettersson ayaa inta aanu falkan sameeyn qoray warqad, halkaas oo boolisku ka akhriyay naceeybku ninkani u hayo dadka ajaanibta ah. Sidaas daraadeed ayuu boolisku falkan cinwaan uga dhigay mid salka ku haya asal naceeyb.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".