Migrationsverket överväger inte att starta HBTQ-anpassade asylboenden.
Migrationsverket överväger inte att starta HBTQ-anpassade asylboenden. sawir: Tomislav Stjepic/Migrationsverket

Xeerka cusub ee soo galootiga

Ibrahim "caqabad ayey dhallaanka ajaaniibta ku noqon".
9:23 min

Barito ayaa ku beegan fikirradaii ey hayadaha ey quseeyaan ka soo jawaab celin lahaayeen siyaasadda cusub ee dawladda, lana xiriirta qorshaha cusub ee siyaasadda soo galootiga.

Xeerkan cusub ee dawladdu damac-san tahay sidii lagu hir-gelin lahaa ayaa salka ku haya in sharci-deggenaansho oo ku meel-gaar ah la siiyo ajaaniibta dalka ku cusub iyo sidoo kale in la xadidio qaraabada la mideeynayo. Xeerkaasina oo socon doonna muddo saddex sannadood ah.

Kooxo ka tir-san hayadaha talo-bixinta la weydiiyey ayaa sheegay sida uu qoray war-geeyska magaciisa loo soo gaabiyo DN in dhibaatada ugu ballaaran ee xeerkani hor-seedi doono ey ku dhici doonto dhallaanka. Halka uu wakiilka u doodda xuquuqda dhallaanka ee lagu magacaabo Barnombudsmannen uu ku macneeyay xeer-fikireedka dawladdu yahay mid dhallaanka cadow ku ah.

Isha/ Ekot

                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".