Фото: Kasper Nowakowski/Sveriges Radio
Фото: Kasper Nowakowski/Sveriges Radio

Codbaxinta doorashooyinka oo aan lagu qaadeynin internet

"Faa'ido kuma jirto codeyn digital ah"
1:57 min

Wasiirka cadaaladda Sweden Morgan Johansson ayaa ka horyimid in codbaxinta doorashooyinka lagu qaado internetka.

Waxaa jiray talooyin horey loo soo jeedey oo ku taliyey in si tijaabo ah qofka iskagoo ku sugan gurigiisa uu codbaxinta doorshooyinka ka dhiibto internetka. Laakiin wasiirka cadaaladda ayaa arrintas ka horyimid oo diiday.

- Waxaan aaminsanahay in ay tahay wax laga haboonyahay, sababtoo ah waa wey adagtahay in la dhowro sirta codbaxinta iyo la hubiyo in aan cidna qof codeynaya saameyn ku yeelan qaabka uu u codeynayo. Marka codeyn noocaan ah waxaan qabaa in laga fiican yahay, ayuu yeri Morgan Johansson.

Saddex sanno ayaa laga joogaa markii guudi doorashooyinka ku dhawaaqeen in qaybo ka mid ah golayaasha degmooyinka dalka doorshada 2018ka codbaxinta lagu dhiiban doono si tijaabo ah internetka.

Guddiga doorashada ayaa u arkay muhim in loo fudodeeyo codbaxiyaasha dhiibashada codka, iyadoo codbxiyasha oo doorashada uga qayb galayo qaab digital ah isagoo gurigiis oo adeegsanaya kombituuterkiisa.

Hindisahaan ayaa waxaa gabahaantiisa ka horyimid Morgan Johansson wasiirka cadaaladda. Wasiirka ayaan arag wax faa’ido ah oo ku jira in qaab elektornik ah doorashada looga qayb-gala.

 

 - Waxaan ujeeda qatar ku jira qaabkan in loo codeeyo. Waxaan dhaci karta codbaxiya in ay raad ku yeeshaan dad kale sida qarabaadiisa. Marka qiimo ayey leedahay codeynta in loo adeegsado waraaqaha doorashada.

 Isha: Ekot

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".