Sveriges Radios korrespondent Maria Persson Löfgren.
Sveriges Radios korrespondent Maria Persson Löfgren. sawir: Pablo Dalence/ Sveriges Radio

Weriye Raadiyaha Sweden uga soo warama Moskva oo la weeraray

Labaatameeyo ragga ah oo hubeysan wajiyadana daboolaanyahiin ayaa weerar u geystey wariye ugu Raadiyaha Sweden Moskvo, iyadoo socdaal shaqo ku maraysa gobolka Ingusjien dalka Rushka.

Weriyaha Maria Persson-Löfgren waxay gaari la saarnayd afar qof oo saxufiyiin ah oo dhowr oo kale oo ka tirsan urur ka dagaalama jirdilka. Waxay ku sii socdeen  magaalada Groznyj maamul goboleedka chechenien balse ragga hubeysan oo madaxdya duuban yahiin ayaa gaariga ay la socdeen joojiyey. Waxay guud ahaan dejiyeen rakaabkii la socday gaariga kadibna isku dareen garacis iyo dhac, iyago markii denbena dab qabadsiiyey gaarigii ay weriyaasha la socdeen.

Dhacdadaan waxay dhacday shalay galab gelinkii denbe. Maria Persson-Löfgren waxaa soo gaaray xogaa dhaawacyo fudud. 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".