En taxibil som kör fort och är suddig. Foto: Bertil Ericson/TT
sawir: Foto: Bertil Ericson / TT

Dareewallo taxi Uber oo xukun lagu ridey

Asad"Uber sharci daro ma ahan ayey i yeraahdeen"
2:04 min

21 dareewal oo ka howl-gala takaasida shirkadda dijitaalka ee Uberpop ayuu ku dhacay xukun maxkamadeed magaalooyinka Stockholm iyo Göteborg.

Halka ay shirkaddan mareeykanka laga leeyahay ee Uber, inkirsan tahay in ay gashay wax sharci jabin ah, fikirkoodana yahay keliya in gawaarida la isla raaco, iyadoona loo maro app-ka aaladda mobaaylka ee shirkadda oo laga dalbado safarka takaasida. Kuwaasina oo ka qiime-jaban shirkadaha kale tagaasida, sida uu qoray war-geeyska maalinlaha ee Dagens Nyheter (DN).

Taksiile magaciisa ku soo koobay Asad ayaa sheegey markii Uber hirgelisay adeegeeda Uberpop uu dhowr habeyn taksi sidaas ku waday. Iyadoo shirkaddu u sheegtay in aysan sharci daro aheyn. 

- Sharci daro ma ahan ayey igu yiraahdeen. Macaamiishana iyagaa ii soo dirayey, ayuu yeri Asad. 





 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".