Nils Horner var Sveriges Radios Asien-korrespondent. Han mördades i Kabul i Afghanistan den 11 mars 2014. Foto: Staffan Sonning/Sveriges Radio
Nils Horner var Sveriges Radios Asien-korrespondent. Han mördades i Kabul i Afghanistan den 11 mars 2014.

Xeerilaaliye ka welwelsan howlaha dilkii Nils Horner

Laba sannadood oo ka soo wareegtay dilkii Nils Horner. 

Suxufi qaaradda aasiya uga soo warrami jiray idaacadda Sweden oo lagu diley magaalada Kaabul ee caasimadda dalka Afgaanistaan.

Xeer-ilaaliye Krister Petersson oo dhanka Sweden u qaabil-san dilkii suxufiga ayaa sheegay in baaritaanku uu yahay mid dhib badan iyo sidii lagu heli lahaa ciddii ka dambeeysay.

– Baaristu waxay taallaa ama ka dhaceeysaa dalka Afgaanistaan. Waxaan ka tallaabo qaadeyaa in baaris lagu hayo dacwadda la xiriirtay dilkii Horner, hase yeeshee aanan hadda caddeeyn karin sida howlahaa gacanta loogu hayo. Afgaanistaan waa dal au dhibaato ballaarani ka taagan tahay, sida uu sheegay xeer-ilaaliye Krister Petersson.

Isha/ Ekot.

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".