Sawirkii : Jessica Gow / TT / Kod 10070
Sawirkii : Jessica Gow / TT

Iswiidhan iyo qaxootiga raba in eheladooda loo keeno

Iswiidhan iyo qaxootiga raba in ehelkooda loo keeno
2:26 min

Sharci cusub oo la xiriira dadka soo galootiga ah ee raba in loo keenayo

ehelkooda iyo qoysaskooda ka maqan ayaa wuxuu dalkaan Iswiidhan ka dhaqan gali doonaa bisha May ee sanadkaan.

Sharcigaan ayaa wuxuu u ogolaanayaa oo kaliya in qoysaskooda ka maqan loo keeno dadka soo galootiga ah ee dalkaani u aqoonsadey in ay qaxooti yihiin.

Gustav Fridolin oo ah afhayeenka xisbiga Deegaanka ee Miljöparti-ga ayaa sheegey in sharciga cusub ee ay dawladdu soo wadaa uu raad aad iyo aad u xun dhaxalsiinayo dadka qaxootiga ah :

-Waxaan qabaa in arrinkaani xaalka uga sii darayo,raad aad iyo aad u xuna ku yeelanayo dadka tusaale ahaan dhalaan da’ yar oo dalkaan sharci ka heley ayaa laga hor istaagayaa in uu ehelkiisa la midoobo , ayuu yiri Gustav Fridolin.

Dalkaan Iswiidhan oo kaliya ma ahan in uu adkeynayo in dadka soo galootiga ah ehelkooda loo keeno balse dalalka Yurub badankooda ayaa bilooyinkii la soo dhaafey qaadey talaabooyin iyo sharciyo ay ku adkeynayaan in qaxootiga dalalkooda yimid eheladooda dibadda uga maqan loo keeno .

Dalkaan Iswiidhan ayaa raba in uu aad u adkeeyo sharciyada eheladooda loogu keenayo dadka qaxootiga ah iyadoo uusan dhanka kale dalkaani rabin in uu jabiyo sharciyada qaramada midoobey iyo ururka midowga yurub ee arrimahaas qaxootiga la xiriira.

Tusaale ahaan dadka qaxooti ahaanta loo aqoonsadey ee ka yimid dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa xaq u yeelanaya in eheladooda dibadda uga maqan loo keeno laakiin dadka dalalkaas ka yimid oo dalkaan Iswiidhan uu u aqoonsadey in ay qaxooti yihiin ayaa aad iyo aad u yar marka la barbardhigo wadamada kale ee ururka midowga yurub.Tusaale ahaan qaxootiga Suuriyaanka ah ee dalkaan Iswiidhan soo galey ayuu boqolkiiba toban oo kaliya dalkaani u aqoonsadey in ay qaxooti yihiin meesha wadamada yurub ay boqolkiiba 80 dadkii suuriya uga yimid u aqoonsadeen in ay qaxooti yihiin.

Dhinaca kalana Ciraaqiyiinta qaxootinimada sanadkii hore isaga dhiibey wadama kale ee yurub ayaa boqolkiiba 90 waxay u aqoonsadeen in ay qaxooti yihiin meesha dalkaan Iswiidhan uu boqolkiiba 50 oo kaliya qaxootinimo ugu aqoonsadey dadkii Ciraaqiyiinta ahaa ee sanadkii hore dalkaan iska dhiibey.Dadka dalalkaas ka yimid ee aan qaxootinimada dalkaani u aqoonsan ayaa loo aqoonsadey oo kaliya in ay magangalyo u baahnaayeen taas oo aan xaq u siineyn in qoysaskooda iyo eheladooda loo keeno.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".