Foreign Minister Margot Wallström.
Margot Wallström. sawir: :Marcus Ericsson/TT

Wallström: Qaraxyada caasumadda Turkiga ka dhacey dal dhan ayey khalkhal galiyeen

Wallström iyo qaraxyadii dalka Turkiga ka dhacey.
1:33 min

Wasiiradda arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan Margot Wallström ayaa

walwal ka muujisey xaalka dalka Turkiga ka dib qaraxii shaley ka dhacey caasumadda dalkaas ee Ankara.

Maalinimadii axadda ayaa 37 qof ku dhinteen ilaa iyo 70 qofna ku dhaawacantey qarax bumbo oo ka dhacey bartamaha magaalada Ankara.

Subaxnimadii saaka ayey ciidamada Turkigu waxay duqeeyeen fariisimo uu ururka PKK ku leeyahay woqooyiga dalka Ciraaq.

Waa tan Margot Wallström oo ka faalooneysa falka argagixisanimo ee ka dhacey dalka turkiga, waxayna xilligaas ku sii jeedey shirka wasiirada ururka midowga yurub maanta uga furmaya magaalada Bryseel:

-Falkaan argagixisanimo dal dhan ayuu argagax galiyey, ayey tiri Margot Wallström.

Wasiiradda ayaa la weydiiyey ,maadaama Turkigu uu maanta weerarey rugaha ururka PKK ay ku leeyihiin woqooyiga dalka Ciraaq taas oo ay uga jawaabayaan qaraxii maalintii shaley magaalada Ankara ka dhacey,sidee u aragtaa arrimahaas kacsan.

Margot Wallström oo arrintaas ka jawaabeysey ayaa tiri:

- Nasiib darro arrinkaani waa mid caadi ah oo aanu hadda ka hor marar badan aragney ,waxaana ugu baaqayaa in aan colaad la sii hurin taas badalkeedana wada hadal lala yeesha dadka Kurdiga ah taasina waa wadada kaliya oo xal lagu gaari karo , ayey tiri Margot Wallström.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".