William kom till Sverige för 5 månader sedan, han trivs bra på boendet för ensamkommande barn och unga.
sawir: Simon Rissvik/SR

Siyaasiyiin dalbatey in la baaro da’da dhabta ah ee ay jiraan qaxootiga da’da yar isku dhiiba

Afar siyaasi oo heer degmo ah kana tirsan xisbiga Modaraadka ayaa si 

wadajir ah waxay wargeyska SVD ugu qoreen maqaal ay hay’adda qaxootiga dalkaan Iswiidhan uga codsanayaan in hay’addaasi ay baarto hubisana da’da dhabta ah ee ay jiraan dhallaanka da’da yar ee qaxootiga dalkaan isaga dhiibaya isla xilliga ay dhallaankaasi dalkaan iska dhiibaan.

Siyaasiyiintaas ayaa sheegey in hadda da’da dhallaankaas la baaro xilliga uu soo gabagaboobo qaxootinimadoodu taas oo ah caksiga sida ay sameeyaan dalalka dariska dalkaan la ah ee Nordigu.

Arrintaas ayaa degmooyinka dalkaan culeys ku ah, kharash dheeraad ahina uga baxaa, maadaama qaxootigaas lagu meeleeyo in ay dhallaan da’ yar yihiin laakiin taas badalkeeda ay qaarkood dad qaangaar ah yihiin oo ay markii horeba aheyd in sidaas lagu meeleeyo, ayey maqaalkooda ku qoreen siyaasiyiintaani.

Siyaasiyiintaan ayaa farta ku godey kharashaadka ku baxa guryaha dhallaanka da’da yar ee kali socodka ah la dajiyo iyo waliba kharashaadka ku baxa markii qoysas lala dajiyo.

Xogta : SvD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".