Liten pojke i ett förstört hus, väggarna är fulla av kulhål.
Dagaalada aafeeyey dalka Suuriya. sawir: Hassan Ammar/AP/TT.

Dagaalada ka socda dalka Suuriya oo shan sano jirsadey

dagaalka Suuriya ka socda oo shan jirsadey
0:56 min

Dagaalka ka holcaya dalka Suuriya ayaa wuxuu iminka socdey muddo

shan sano ah kaas oo galaaftey nafo badan ayna ku dhaawacmeen kuna bara kaceen malaayiin qof oo dalkaas u dhashey.

Wasiiradda arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan Margot Wallström ayaa maqaal ay maanta ku soo daabacdey wargeyska SVD ku sheegtey in haweenka suuriyaanka ah laga qeyb galiyo door xoog lehna laga siiyo wadahadalada nabadeed ee la rabo in dalkaas dagaaladu aafeeyeen nabad loogu soo dabaalo.

Ururka jaaliyadda Suuriyaanku ay ku leeyihiin dalkaan Iswiidhan ayaa caawa xusaya sanad guuradaas shanaad ee ka soo wareegtey dagaaladaas lagu hoobtey ee Suuriya ka socda, waxaana isu soo baxaasi ka dhici doonaa barxadda loo yaqaano Medborgarplatsen taas oo ku taala bartamaha magaalada Stockholm.

Tan iyo sanadkii 2011-kii waxaa dalkaan Iswiidhan yimid qaxooti suuriyaan ah oo gaaraya ilaa iyo 109 000 oo qof, 56 171 qof oo dadkaas ka mid ah ayaa dalkaan Iswiidhan wuxuu siiyey sharciga daganaashaha ee dalkaan.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".