Konjunkturinstitutets novemberrapport pekar mot fortsatt stark ekonomisk utveckling.  Foto: Annika Selin Ekot SR
Machadka KI .Sawirkii : Annika Selin Ekot SR

Qaxootiga dalkaan soo galey oo sabab u noqdey in dhaqaalaha dalkaani kobco

Qaxootiga oo sabab u noqdey in dhaqaalaha dalkaani kobco
1:57 min

Qaxootiga badan ee dalkaan Iswiidhan soo galey ayaa dhaqaalaha dalkaan

u horseedey in uu si xoog leh u kobco sida lagu muujiyey warbixin ay maalintii shaley si wadajir ah u soo saareen xafiiska dalkaan u qaabilsan arrimaha qorsheynta ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano SCB iyo machadka KI oo isagu u kuurgala xaalka dhaqaale ee mar walba dalkaani ku sugan yahay.

Waxaa aad u kacey badeecadaha iyo alaabooyinka ay dawladda iyo degmooyinku iibsadeen markii ay qaxootigaas cusub dajinayeen ayuu yiri Jesper Hansson oo isagu ka hawlgala machadka KI:

-Markii badeecada iyo alaabooyinka la iibsanayaa ay siyaadaanba xaaladda dhaqaale ayey raad ku yeelaneysaa,markii dadkaas sharciyo la siiyey waxaa siyaadey badeecadihii la iibsanayey iyo guryihii la dhisayey taas oo sanadkaan iyo kan soo socda labadaba kor u qaadey koboca dhaqaale ee dalkaan, ayuu yiri Jesper Hansson.

In dadkaas soo galootiga ahi shaqooyin helaan ayaa fure u ah horumarka dalkaan ,wuxuuna machadka KI qiyaasey in boqolkiiba 60 dadka asalkoodu ka soo jeedo dalalka ka baxsan qaaradda Yurub ay shaqooyin heli doonaan mustaqbalka taas oo dhaqaalaha dalkaan koboc hor leh u soo jiideysa, sidaas waxaa yiri Jesper Hansson:

-Dad badan oo soogalootigaas ka mid ahi haddii ay shaqooyin helaan markaas tubtii saxda aheyd ayaan ku taaganahay ,su’aashuse waa dad intee le’eg ayaa shaqooyin helaya ,markii dad badani shaqooyin helaanba waxaa siyaadaya koboca dhaqaale ee dalkaan ayuu yiri Jesper Hansson.

-Dadka shaqa la’aanta u diiwaan gashan ayaa kor u kici doona dalkaan sababta oo ah qaxootigaas faraha badan ee soo galey awged laakiin Jesper Hansson ayaa sheegey in dawladda hadda dalkaan ka talisaa ay qorsheyneyso in sanadka 2020-ka dalkaani noqdo dalka shaqa la’aanta ugu yari ka jirto dalalka ku bahoobey ururka midowga Yurub.

Xogta : Ekot

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".