Mona Sahlin oo shirka ka soo qeyb gashay
Mona Sahlin oo shirka ka soo qeyb gashay. Foto: Mona Ismail/SR

Laba filim oo ka hor tagaya dhoofka xaqjirka

"Waa in aanu ka hor tagno dhoofka xaqjirka ah"
3:24 min

Shalay ayuu ururuka Islamka ee nawaaxiga Järva mashruuc lagu magacaabay WAANO oo ku saabsan sii looga hor tagi lahaa dhoofka xaqjirka ay ku shaaciyeen guriga umada ee xaafada Rinkeby.

Miyaanad arag filimada ay kooxaha argagaxisada ku shaaciyaan internetka, maad arag in ay dilan dadka masaakiinta ah ee aan dembiga geysan. Miyaanad arag sii ay habla u galaan?, ayey is weeydiiyeen gabdho filimkan ku jira.

Mashruucan ayaa ku saabsan laba filim oo ka sheekeynaya khatarta iyo sida xun u dhoofka xaqjirku shakhsiga u saameeyn karo.

Siyaasiin, dhalinyaro ka qeeyb gashay filimkan iyo dhowr ururo ayaa ka mid ahaa kuwii halkaas ka qeeyb galay una soo daawasho tagay filimadan.

Ibraahim Bouraale ayaa hogaamiya mashruuca WAANO, ahna maskaxda ka dambeeya mashruucan, halku Cabdi Keyse ka mid yahay dhalinyarada soomaaliyeed ee filimkan ku jira.

Isuduwaha qaranka la dagaalanka xaqjirnimada, Mona Sahlin, oo iyaduna halkaas ka soo qeeyb gashay ayaa fikradeeda ka dhiibanaysa mashruucan. 

-Meel walba aan ka hadlo ayaan labadan filim ka tusaya. Daacesh 200 000 oo jeer ayey maalin walba qoraal ku soo dhigaan aalada bogga Twitter, waa in aanu ka hor tagno taas oo filimo tusaale kuwa aanu halkan maanta ka daawanay aaladaha internetka ah u fidino, ayey sheegtay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".