Många händer sträcks fram mot henne.
Hillary Clinton. Sawirka : AP/TT. sawir: Gerald Herbert

Xildhibaanada Iswiidhan oo badankoodu taageersan madaxtinimada Hillary Clinton

0:44 min

Badanaa xildhibaanada baarlamaanka dalkaan Iswiidhan

ayaa Hillary Clinton u arka in ay noqon doonto madaxweynaha soo socda ee dalka Mareykanka, sidaas waxaa daabacey wargeyska Dagens Nyheter oo isagu arrinkaas u kuurgaley.

Boqol ka mid ah xildhibaanada baarlamanka dalkaan Iswiidhan kuwaas oo matala xisbiyo kala duwan ayaa markii su’aal arrinkaas ku saabsan la weydiiyey ,47 ka mid ahi waxay saadaaliyeen in musharaxa xisbiga dimuquraadigu Hillary Clinton ay ku guuleysan doonto madaxtiniada dalka Mareykanka.

Musharixiinta madaxtinimada dalka Mareykanka uga sharaxan xisbiga jamhuuriga ayaa baaritaankaan ka heley taageero aad u yar.

Toban xildhibaanadaas ka mid ah ayaa doortey Marco Rubio meesha Donald Trump iyo Ted Cruz taageero ka heleen xisbiga sverigedemokrat-ka.

Trump ayaa heley saddex cod meesha Cruz uu ka heley laba cod.

Xogta : DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista