Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhaqdhaqaaqyada ururrada xagjirka ee Göteborg

Xarrummaha lagu daweeyo dhallaanka
3:56 min

Xaaafadaha qaarood ayey welwel ku abuureen kor u kaca dhaqadhaqaaqyada ururrda xag-jirrada ee lagu magacaabo vit makt-organisationer.

Kuwaasina oo xaafadaha ka bax-san magaalooyinka waaweeeyn uga qeybiya waraaqo ey ku xayeeysiineyaan fikirradooda agagaarrada iskuulalada iyo dhallaanka, sidii ey ku soo jiidan lahaayeeen.

– Wararka na soo gaaraya ayey ka mid yihiin in xaafadaha qaarkood iyo degmooyinka derisyadaba ey ka dhacaan falal noocaasi ah oo si furan loogu tallaabsaneyo iyo sidii dhallin-yarada loogu soo jiidan lahaa, isla-markaana war-bixinno looga siin lahaa ururradas. War-bixinnadaasina oo ku wajahan dhallaanka iyo dhallin-yarada, sida uu sheegay, Zan Jankovski, ahna isku duwaha ka hor-tagga xag-jir-nimada ee magaalada Göteborg.

Magaalada Göteborg ayaa muddo waxey caan ku ahayd iney sal-dhigyo ku leeyihiin ururrada xag-jirrada midigta, halka ay dardar-gelinta hoowlahooda ee iminka ka socotaa tahay mid ka sarreeysa kolka loo barbar-dhigo waddanka intiisa kale.

Sida uu sheegay Christer Mattson, ahna maaamulaha machadka Segerstedt ee hoos yimaada jaamicadda Göteborg, isla-markaana ay  howshiisu tahay ka hor-tagga ururrada xag-jirrada iyo kuwa ku taama xoogga.

Xaafaado degmada ka tirsan iyo degmooyinka jaarka nala ah ayaa laga dareemeyaa dhaq-dhaqaaqyada ururrada xag-jirka ee taabac-san in caddaanku ka sarreeyo qowmiyadaha kale. Waxaana la oran karaa iney ururradaasi wax ka badaleen istaraatiijiyadoodii, iyagoona iminka u janjeersaday howlo la xiriira bulshada.

Tusaale waxaa loo soo qaadan karaa iyada oo bartamaha magaalada Göteborg ey uga fureen iswiidhishka tabaaleey-san kushin lagu siiyo raashin, koorasyo aqoon-kororsi, fiidad la qaato tababarrada dagaalka iyo tallaabo uu ururka xag-jirka ah ee Nordiska motståndsrörelsen kaga tallaabsaday Kungälv, halkaasina oo ey ammaanka ku ilaalineyeen goob ka mid ah goobaha xiran ee lagu dabaasho.

– Hoowlahooda ayey iminka aad u dardar-geliyeen iyagoona ka faa’iideeysaneya xaaladda caalamka iyo dalkan Sweden-ba uu ku jiro ee qaxootiga faraha badan iyo sidii ey danahooda siyaasadeed ku gaari lahaayeen, sida uu sheegay Teodor Smedius, kana mid ah madaxda laamaha ciidanka ammaanka ee Kungälv - Ale.

Dhammaadka bisha maarso oo eynu ku jirno ayaa lagu tallaabsan doonaa howlo la xiriira sidii aqoon ka ballaaran nawaaxiga magaalada Göteborg looga heli lahaa ururrada xag-jirrada ee garabyada midig, una dooda caddaanka.

Maamulka degmada ayaa wada-shaqeeyn la yeelan doona kaabiyeyaal ey ka mid yihiin machadka Segerstedt iyo stiftelsen Expo, iyadoona natiijada ka soo baxda ey aasaas u noqon doonto howlaha degmadu kaga hor-tageeeyso howlaha ka hor-tagga xag-jir-nimada.

– Xaqiiqdii waa xaalada halis ah, howshayaduna waxay tahay sidii aan uga hor-tegi laheyn in dhallaanka lgau jiito beeydaha noocaasi ah noocuu doonoba xag-jir-nimadu ha ahaatee tan midig iyo midda jihaadiinta. Waaana mid laga welwelo iney xoogag noocaasi ah ka soo muuqdaan, isla-markaana dardar-geliyaan howlahooda, sida uu sheegay Zan Jankovski.

Isha/ Ekot

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".