Vetenskapsradion Klotet - Färskvattenbrist i Sverige? Bo Olofsson, professor i miljögeologi vid KTH vid Sveriges hittills enda grundvattendamm.  P1 Sveriges Radio.
Vetenskapsradion Klotet - Färskvattenbrist i Sverige? Bo Olofsson, professor i miljögeologi vid KTH vid Sveriges hittills enda grundvattendamm. P1 Sveriges Radio. Foto: Marie-Louise Kristola/Sveriges Radio sawir: Marie-Louise Kristola/Sveriges Radio

Cabsi biyo la'aan oo soo wajahday Sweden

Abaaro Sweden looga cabsi qabo
1:14 min

Kuleeylahan foodda innagu soo haya ayaa looga cabsi qabaa goobo ka mid ah carriga koonfur bari ee dalkan Sweden inay biyo la’aani ka dhacaan.

Jasiiradda Gotland ayaa lagu soo rogi doonaa mamnuuc waraabin, laga bilaabo 1-da bisha abriil. Iyadoona ay biyo la’aantu ugu wacan tahay roob/baraf yar oo sannadka da’ay.

- Koonfur bari Götaland oo lagu daray Öland iyo Gotland, ayey iminkaba dhumucda biyuhu aad u hooseeyan illaa iyo sannadihii 1960-yadii oo la bilaabay cabirkooda. Wana meelaha iminka ugu liita, sida uu sheegay Bo Thunholm, kana howl-gala hayadda magaceeda loo soo gaabiyo SGU - Sveriges geologiska undersökning.

Xaaladda ayaa sannadka ku sugan mid liidata qaasatan marka laga hadlayo Gotland, qaasatan kuleeylaha oo la fileyo inuu noqdo mid qalalan iyo socoto badan oo carrigaa tagta.

Isha/ Vetenskapsradion

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".