Stefan Ingves, madaxa bangiga qaranka Sweden.
Stefan Ingves, madaxa bangiga qaranka Sweden. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Ingves: Bangiyada in lagu khasbo lacagta caddaanka

Dhib lagu qabo lacagaha caddaanka
2:03 min

Madaxa bangiga qaranka Stefan Ingves ayaa soo jeediyay in la dejiyo sharci ku khasbaya bangiyada iney lacag caddaan ah qaban karaan ama bixin karaan.

Waa wax loo baahan yahay in macaamiisha bangiyadu ey bangiyada ka qaadan karaan lacag, isla-markaana dhigan karaan, sida uu sheegay mar uu la hadlayay laanta wararka ee idaacadda Ekot.

Qoraalka Stefan Ingves uu ku daabacay bogga doodda ee war-geeyska DN maanta ayaa la xiriira jawaabtii uu bangigu ka bixiyay baaritaan ku socda habka baayacmushtarka ee bulshada, midkaasina oo ay dawladdu go’aan ka qaadan doonto.

Ingves ayaa aamin-san in bagiyada ay masuuliyadi ka saaran tahay howlahaa:

- Way muuqataa in bangiyadu ay ku adag tahay sidii ey ku maareeyn lahaayeen, maadaama uu dhaxdooda tartan ka jiro. Markaa waxay middaasi macnaheedu noqoneeysaa in hoggaanka dalku ka dhiidhiyo, isagoona raaciyay habkii loo baahnaan lahaa.

Dawladda ayaa iminka ku maal-gelisa hoggaannada gobolladu sidii u suurtagelin lahaayeen isticmaalka lacagaha goobaha ay adag tahay ee aaney adeegyo bangiyadeed ka jirin. Waana mid uu ka soo hor-jeedo Stefan Ingves, madaxa bangiga qaranka Sweden.

- Waa wax aan macquul ahayn in dawladdu dusha u ridato howlo aaney bangiyadu dooneyn iney qabtaan. Hoggaanka dalka ayaa masuuliyad ballaarani ay ka saaran tahay sidii bangiyada loogu sahli lahaa hoowlahooda, sidaa daraadeed ayaaney shuruud suurtagal ah oo dusha laga saari karo bangiyada u tahay howsha lacagaha sidii ay noqotaba.

Isha/ Ekot

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".