Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Ando fort si e statosko minsitari so vorbil pa EU
Raysal Wasaare Stefan Löfven. sawir: TT: SÖREN ANDERSSON:

Iswiidhan iyo saami qeybsiga qaxootiga Yurub ku soo qulquley

Iswiidhan iyo saami qeybsiga qaxootiga Yurub soo galey
1:09 min

Dalkaan Iswiidhan ayaa ka tanaasuley in qaxootiga dalkooda soo galey qeyb ka noqdaan nidaamka

saami qeybsiga ee ay wadamada yurub ku qeybsanayaan qaxootiga qaaradda Yurub ku soo qulqulay.

Dalkaan Iswiidhan ayaa marar badan hadda ka hor codsadey in maadaama dalkooda ay soo galeen qaxooti badani , wadamada Yurub ay qeybo qaxootigaas ka mid ah qaataan si dhibaatadaani aysan dalal gaar ah ugu dhicin ee loo wada qeybsado.

Maanta ayaa magaalada Bryssel waxaa ka furmaya shir ay isugu imaanayaan madaxda ugu sareysa ee dalalka xubnaha ka ah ururka midowga Yurub kaas oo looga wadahadli doono heshiis qaxootiga ku saabsan oo horey u dhexmarey dalka Turkiga iyo wadamada xubnaha ka ah ururka midowga Yurub iyo sidii xal loogu heli lahaa qaxootiga Yurub ku soo qulqulaya oo badankoodu ka imaanaya dalka Turkiga.

Raysal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Stefan Löfven oo saaka u waramayey waaxda baarlamaanka dalkaan Iswiidhan u qaabilsan midowga yurub ayaa sheegey in heshiiskaas Yurub iyo Turkigu gaareen yahay mid caqligal ah inkastoo dalkaan Iswiidhan uusan qeyb ka aheyn saami qeybsi cusub ee  dalalka Yurub rabaan in ay ku qeybsanayaan qaxootiga cusub ee qaaradda ku soo qulqulaya.

Madaxda dalalka midowga Yurub ayaa sidoo kale waxay ka doodayaan wixii laga yeeli lahaa dalka Turkiga oo midowga Yurub ka codsadey dhaqaale dheeraad ah si uu u maareeyo qaxootiga faraha badan ee dalkiisa ku soo jabey.

 

 

 

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".