Säpo delar med sig av ny information till polisen om hemvändande stridande i terrororganisationer. Foto: Maja Suslin/TT
Ciidamada sirdoonka ee Säpo. Sawirkii : Maja Suslin/TT sawir: Maja Suslin/TT

Hey’adda sirdoonka oo soo bandhigtey warbixin sannadle ah

1:48 min

Dalka Ruushku wuxuu Iswiidhan kula jiraa dagaal cilmi nafsi ah

kaas oo ujeedadiisu tahay sidii dadka dalkaan u dhashey la isaga horkeeni lahaa raadna Ruushku ugu yeelan lahaa go’aanada dalkaani ku gaaro nidaamka dimuquraadiga ah sidaas waxaa lagu sheegey warbixin sanadeed ay maanta soo bandhigtey hay’adda sirdoonka dalkaan Iswiidhan u qaabilsan ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano Säpo.

Wilhelm Unge waa mas’uul hey’adda sirdoonka dalkaan Iswiidhan u qaabilsan ka hortagga basaasnimada :

-Laga soo bilaabo sanadkii 2014-kii oo aan bilowney in aan ka hadalno khatarta dalka Ruushku dalkaan ku hayo, khatarahaasi wey sii balaaratey mana ahan oo kaliya in ay ka imaaneyso hay’adaha sirdoonka ee dalka ruushka balse waxay kaloo khtarahaasi ka imaanayaan hey’aha amniga ee Ruushka laga leeyahay, ayuu ka yiri Wilhelm Unge isla goobtii lagu soo bandhigayey warbixintaas sanadlaha ah ee ay hay’adda sirdoonku soo bandhigtey.

Waxbixinta ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegey in dad gaaraya ilaa iyo 300 oo qof ay ka tageen dalkaan Iswiidhan si ay uga soo dagaalamaan dalalka Suuriya iyo Ciraaq.135 qof oo dadkaas ka mid ah ayaa dalkaan Iswiidhan dib ugu soo noqdey meesha 44 qof oo dadkaas ka mid ahina ay ku dhinteen dagaalada dalalkaas ka jira.

Lari Nyroos oo isagu ah madax waaxeed ka hawlgala hey’adda sirdoonka dalkaan Iswiidhan ayaa sheegey in falal argagixisnimo ama isku day falal argagixisnimo ay ka dhici karaan agagaarkeena.Mana ahan oo kaliya in khatartaasi ka imaan karto dadkaas ka soo noqdey ururka Daacish balse waa tan ugu khatarta badan ayuu yiri Lari Nyroos.

Lari Nyroos ayaa intaas ku darey in sanadkii hore ay soo wanaagsanaatey wadashaqeynta ciidamada booliiska iyo sidii looga hortagi lahaa falalka argagixisnimo.

Xogta :TT, Ekot

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista