Warqaddii imtixaanka ee imtixaanka lagu galo dugsiyada sare. Sawirle: Henrik Montgomery / TT
Sawirle: Henrik Montgomery / TT

Baaris la xiriirta nidaamka jaamicadaha lagu galo

Imtixaanka jaamicadaha lagu galo
2:15 min

Dawladda ayaa ku talo jirta sidii ay baaritaan ugu sameeyn lahayd imtixaanka jaamicadaha loo galo waxa loo yaqaanno – högskoleprov-ka si loo xaddido tirada jaamicadaha ku geli karta.

Iyo sidoo kale in suurtagal laga dhigo in waa-arag-nimada shaqada qayb ka noqon karto ku gelitaanka wax-barashada sare.

- Ardeyda ayey ku adkaatay iney fahmaan iney imtixaankaa ku geli karaan wab-barashada sare ee jaamicadaha iyo in kale. Waxaannu dooneynaa in aannu dib u eegis ku sameeynno dhammaan nidaamka wax-barashada sare guud ahaan, imtixaanka lagu galo jaamicadaha iyo sidoo kale in waayo-arag-nimada shaqa, sida ay sheegtay wasiirka tacliinta sare iyo cilmi-baarista Helene Hellmark Knutsson (S). 

Iyadoona iminka loo saarey baare gaar ah si uu uga soo baaraan-dego nidaamka lagu galo tacliinta sare. Baaraha ayaa sidoo kale ka soo baaraan-degi doona suurtagalka ah in jaamicadaha lagu geli karo waayo-arag-nimada shaqadeed, iyo weliba inuu soo jeediyo nidaam ka sahlan kana furfuran midka maanta ee lagu geli karo wax-barashada sare.

- Muhiimad ballaaran ayuu dawladda ugu fadhiyaa in la helo oo la furfuro habka lagu geli karo wax-barashada sare iyo in dhammaan ciddii buuxisa shuruudahaa ay suurtagal u heli karto gelitaanka wax-barashada sare, sida ay sheegtay Helene Hellmark Knutsson, wasiiradda tacliinta sare iyo cilmi-baarista ee dalka Sweden.

Bisha maarso ee sannadka 2017 ayaa la fileyaa in baaritaankan la soo gabagabeeyo.

Isha/ DN Debatt, Ekot

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".