Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xeer qeexaya dib u celinta deeymaha

La daabacay torsdag 17 mars 2016 kl 16.00
Dib u celinta deeymaha
(2:38 min)
Deeymaha guryaha lagu qaato. Sawirle: Fredrik Sandberg/TT
Deeymaha guryaha lagu qaato. Sawirle: Fredrik Sandberg/TT

Xubnaha baarlamanka oo heshiis ku wada gaarey niaamka dib u soo celinta deeymaha guryaha lagu qaato.

Laga bilaabo bisha juun ayuu khasab noqon doonaa nidaamka dib u soo celinta deeymaha hooyga lagu qaato ee lagu magacaabo – amorteringstvång ee dhammaan ddyoowga deeymaha cusub guryaha ku qaata, sida ey heshiis guud ku wada gaareen xil-dhibaannada baarlamanku maanta.

25-kii sannadood ee ugu dambeeyey ayey aad kor ugu kaceen deeymaha lagu leeyahey bulshada Sweden, kuwaasina oo ka sare-marey dakhligooda. Halka dhanka kale aaney shuruudaha bangiyadu ku xiraan dib u soo celinta deeymahaasi aaney hoos u dhigin kor u kaca deeymaha. Hasee yeeshee uu baarlamanku maanta ka xeereeyay laga bilaabo 1-da bisha juun xeer ku khasbaya dadyoowga deeymaha ku qaata guryaha in lagu khasbo iney dib u soo celiyaan deeymaha. Shuruudaha xeerka ku qoran ayuu ka mid yahay in deeymaha la celineyaa noqdaan 2%, waana deeymmo u dhigma 70% ama in ka badan qiimaha guriga.

Shuruudda xeerkan ayaa laga reebey deeymaha loo qaato guryaha cusub muddo shan sannadood ah, sida uu sheegay Erik Ullenhag oo ka tir-san xisbiga Liberalerna.

- Sababta aannu uga reebney guryaha cusub muddo shan sannadood ah waxay tahay in aaney hor-joog-san dhismaha guryo hor leh.

Doodo ballaaran oo beryahanba ka socday deeymaha xad-dhaafka ee bulshada Sweden hadba sii culeeysineya, isla-markaana ey bangiyadu ku sii adkeeyneyeen shuruudaha deeymaha lagu qaato ayuu haddaba sidan ku macneeyay Ulf Kristersson, kana tir-san xisbiga modaraterna.

- Waxey ku bilaabatey bangiyada oo doonayey iney xal u helaan iyaga oo heshiis la galayey cidda deeynta qaadaneeysay. Hase yeshee ay hayadda tartanku fikirkaa ka hor-timid, sheegtayna in loo baahan yahay in xeer laga dejiyo. Safar dheer ayaa loo soo marey. Anigoona aamin-san in iminka ay caddaatay in loo baahan yahay dhaqan cusub oo deeymaha lagu celiyo, waana midda iminka la xeereeyey.

Isha/ Ekot

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".