Madaxa dawladda Stefan Löfven oo ku sugan Barugsel. Sawirle: Jan Andersson
Madaxa dawladda Stefan Löfven oo ku sugan Barugsel. Sawirle: Jan Andersson

Madaxda EU oo heshiis ka wada gaarey xaaladda soo galootiga

Löfven:waa xaajo aan sahlaneyn
1:44 min

Hoggaamiyeyaasha waddammada ku midoobey ururka Midowga Yurub EU ayaa heshiis loo dhan yahay ka gaarey xaaladda cakiran ee qaxootiga Yurub.

Hoggaamiyeyaasha EU oo uu kulan uga socday magaalada Barugsel ee caasimadda dalka Baljemka, kulankaasina oo la xiriirey sidii heshiis looga gaari lahaa xaaladda cakiran ee qaxootiga  ku sugan Yurub iyo kuwooda ku hamineya iney u soo qaxaan. Halkaasina oo ey saqdii dhexe ee xalay qalinka ku duugeen heshiis ey ka mideey-san yihiin iyo wada-hadal arrimmahaa looga xaajooneya lala galo dalka Turkiga, midkaasina oo subax-nimadan saaka bilooway.

Isha/ Ekot

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se


Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".