Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Khudrad.
Khudrad.

Kadmium: ayaa laga dhaxlaa kelyo iyo lafo xannuun

Kadmium oo dhaawacda kelyaha iyo lafaha
2:16 min

Haddii qaar badan oo bulshada ka mid ahi ey u wareegaan cunista khudradda un waxey bulsho badani ey halis ugu jiraan dhibaatooyin kala kelyaha iyo dhismaha lafaha oo xumaada.

Sbabaha keeni kara ayuu ka mid yahay iyada oo dhul badan oo khudradda lagu beero ay ku badan tahay maadada birta sunta ah ee lagu magacaabo kadmium.

Ugu yaraan 200 000 oo iswiidhish ah waxey maanta halis ugu jiraan inay oogadooda gasho tayo badan ee maadada birta sunta ah kadmium oo ey ka helaan khudradda, middaasina dhibaateeyso kelyaha iyo lafahooda, sida lagu sheegay war ka soo baxay hayadda cunnada Sweden - Livsmedelsverket. 

Marie Vahter, waa caalimad ku takhasustay culuunta caafimaadka dabeecadda, waxayna ka howl-gashaa machadka Karolinska:

- Inkasta oo tallaabooyin badan la isku dayey sidii looga hor-tegi lahaa, haddana laguma guuleey-san in la yareeyo tirada bulshada sii kor-dheeysa e u wareegta cunista khudradda. Waa in marka lagu tallaabsado sidii loo dhimi lahaa tirada maadadaa ee ku jirta cunnada. Waxaan qabaa inay tahay midda ugu muhiim-san.

Habka ugu wanaag-san ee cunnada looga yareeyn karo maaddada kadmium ayaa ah iyada in joojiyo cunnada lagu beero nawaaxiyada Österlen ee gobolka Skåne, qeybo ka mid ah gobollada Östergötland iyo Jämtland. 

Sida laga soo xigtay qariidadeeyn uu middaa ku sameeyay culimo uu ka mid yahay Jan Eriksson, oo wax ka baara maaddada kadmium, isla-markaana ka howl-gala jaamicadda beeraha ee Lantbruksuniversitet, SLU:

- Midda suurtagalka ah waxay tahay in aan haba-yaraatee waxba lagu abuurin dhulka ay maaddadaasi ku badan tahay, ama dhulka ey sida ba’an dhirtu uga soo dhuuqdo maaddada kadmium.

Isha/ Vetenskapsradion

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".