Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Mudaharaad ka hor tagaya kooxo cunsuriin ah

La daabacay fredag 18 mars 2016 kl 13.29
"Waa in aanu cunsurinta ka hor tagno"
(2:07 min)
En polis med kommunikationsradio på axeln.
Myndigheten för samhällsskydd och beredskap vill att Polisen ska byta till mobil kommunikation i 4G-nätet. sawir: Fredrik Sandberg/TT.

Kumaankum qof ayaa la filaya in ay birri sabtida soo staagaan suuqa norrmalmstorg ee magaalada stockholm si ay uga hor tagaan mudaharaad ay kooxo cunsuriyiin ah halkaas ku qabanayaan.

Kooxyadan ayaa shirkii hore ay stockholm ku qabteen bishi jannayo sannadkan rabshado ka kiciyay suuqa sergels torg ee stockholm. Tusaalahaan ayey halkaas ku weerareen dhowr qof oo ajaanib ah.

Kuwan ayaa ahaa cunsuriyiin taageerta xisbiga sverigedemokraterna, ururka dhalinyarada nordica ee fashistiga ah, ururka naasiga ah ee svenska motståndsrörelsen iyo bogga cunsuriga ah ee Avpixlat.

Sidaas daraadeed ayey dhowr qofi birri ka hor tagayaan mudaharaadka ay kooxyadani ku qabanayaan norrmalms torg.

Lars Bylund oo qeeybta saxaafada u qaabilsan booliska stockholm ayaa sheegay in dhowr boolis lugu meeleynayo suuqan mudaharaadka lugu qabanayo si ay amniga u ilaaliyaan.

Josefin Purwin ayaa ka mid ah dadyoowga birri imaanaya suuqa norrmalms torg si ay uga hor tagaan kooxyada cunsuriinta ah. Wexey sheegtay in ay tiro dhaafsiisan 2000 ka soo qeeyb gali doonan halkaas oo banaanbaxan diidan. Taas ayaa sameeyn ku yeelan doonta gadiidka guud ee dadweeynaha.

-Waa in aanu ka hor tagno banaanbaxan. Dadkani wexey aaminsanyihiin fikirka cunsuriga ah. Waxaanan rajeeynaya in ay dad badani ka soo qeeyb galaan. Tusaale ayey kooxyadani bishi jannaio ajaanib ku weerareen suuqa sergels torg. Waa dad aniga iyo bulshadda ba khatar u ah, ayey sheegtay Josefin Purwin.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".