Statsminister Stefan Löfven på plats vid toppmötet i Bryssel.
Statsminister Stefan Löfven på plats vid toppmötet i Bryssel. sawir: Jan Andersson

EU oo heshiis la gaadhay Turkiga

Dhowaan ayey waddamada EU ka tirsan heshiis ku saabsan si loo xallin lahaa qaxootiga faraha badan ee Yurub soo gaadha, la galeen waddanka Turkiga ah. Warbixintaas ayaa ka timid ra´iisal wassaaraha waddanka Tjeekia ku soo qoray aalada bogga Twitter. Sido kale ra´iisal wasaaraha Finland oo isaguna sidaas ku soo qoray Twitter.

Heshiiskan ayaa ka dhigan in ay qaxootiga sharci darroda ah Turkiga ka baxa si ay Griig u tagaan, Turkiga lugu celiyo.

  • Tan ayaa ka dhigan in qaxooti kasta oo Turkiga dib loogu celiyo laga soo qaado hal qof. Qofkaas ayaa mar labaad ku khasban in u dib u dalbado sharciga deganaashaha.


  • Sababta loo soo dejiyay sharcigan ayaa ah in la dhimo tirada qof ee ku dhinta doomaha tahribayaasha ee badweeynaha mediterrianka ah soo mara.


  • EU ayaa u fududeeynaysa dadweynaha Turkiga ee doonaya in ay Yurub gudaheed u dhoofaan, tusaalahaan in shuruudi ku xidhayay Turkida in ay fiiso haystaan laga daayo.


  • Islamarkaas ayey EU bilaabaysa in ay lacag gaadhaysa 27,6 billion u bixiso Turkiga.


  • Iyo in ay EU si dhakhso leh uga shirto waddamada doonaya in ay xubin ka noqdaan halkaas.

Qeeynuunadan cusub ayaa laga bilaabo axada, 20 mars, shaqeeynaya.


Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".