Stefan Löfven, madaxa dawladda Sweden. Sawirle: Tobias Sandblad/Sveriges Radio
Stefan Löfven. Sawirle: Tobias Sandblad/Sveriges Radio

Obama oo casumaad u fidiyay Löfven

Madax-weeynaha dalka Mareeykanka Barack Obama ayaa casumaad u fidiyay hoggaamiyeyaasha waddammada Sweden, Danmark, Finland, Iisland iyo Noorway, sida ku cad qoraal saxaafadeed ka soo baxay aqalka cad ee mareeykanka. Kulanka uu Obama la yeelan doono madaxda waddammada Sweden, Danmark, Finland, Iisland iyo Noorway siyaasadda la dagaalanka argagixisada iyo xaaladda cakiran qaxootiga ee Yurub.

Af-hayeenka saxaafadda madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven ayaa qiray inuu hoggaamiyuhu casumaad ka helay madaxweyne Barack Obama. Kulanka madaxda ee magaalada Washington ayaa dhici doona magaalada 13-ka bisha maajo, sida ay qortay laanta wararka Sweden ee TT.

Isha/ TT, SVT Nyheter

                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".