Ole Spata
sawir: Sawirkii : Ole Spata

Weeraro lala beegsadey shirkadaha Internet-ka kireeya

Weeraro farsameysan oo lagu qaadey shirkadaha internet-ka ijaara
1:02 min

Waxaa joogsadey weerarkii maalintii sabtida lagu qaadey rugaha internetka 

kaas oo dhibaato xoog leh loogu geystey hey’adaha warfaafinta lana xirey ama la xayirey bogaggii internetka ee ay hey’adahaas warfaafintu lahaayeen, sidaasna waxaa sheegey ciidamada booliiska.

Anders Ahlqvist waa khabiir ciidamada booliiska u qaabilsan danbiyada internetka la xiriira, isagoo falkaan dhacey ka hadlaya ayuu yiri:

-Waxaa farsamo ahaan loo weerarey shirkadihii rugahaas warfaafintu ay internet-ka ka ijaarteen, markii rugahaas la weerareyna internetkii ayaa hey’adahaas ka go’ay, ayuu yiri Anders Ahlqvist.

Wasiirka arrimaha gudaha Anders Ygeman ayaa arrinkaan u arka mid khatar ah :

-Arrinkaani waa mid khatar iyo walal labadaba leh, warfaafinta oo la weeraraa waa xoriyatul qawlkii oo la weerarey.

Wasiirka ayaa intaas ku darey in aan lagu degdegi karin kuwa ay yihiin cidda arrinkaan ka danbeysey.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".