Высеянный золотистый стафилоккок. Фото: Håkan Lindgren/ТТ
Bakteeriyo daawada adkeysi u leh.Sawirkii : Håkan Lindgren/ТТ

Bakteeriyada daawada adkeysiga u leh oo Iswiidhan ku soo badatey

Bakteeriyada daawada adkeysiga u leh oo dalkaan aad ugu soo badatey.
1:15 min

Dadka xanbaarsan bakteeriyada daawada adkeysiga u leh ayaa sanadkii hore dalkaan Iswiidhan aad kor ugu kacey

sida lagu sheegey warbixin ay soo saartey hey’adda caafimaadka dadweynaha dalkaan u qaabilsan.

Dadka ugu badan ee laga heley bakteeriyadaan daawada adkeysiga u leh ayaa ah dad soogalooti ah oo baaritaano lagu sameeyey.

Malin Grape waa madax qeybeed ka hawlgasha hey’adda caafimaadka dadweynaha:

-Arrinkaan ayaan sanadkii hore aragney in uu aad kor ugu kacey ka dibna waxaan sameeyney baaritaano dheeraad ah taas oo muujisey in kor u kacaan ay sababeen dad dalal kale ka yimid kuwaas oo rugaha caafimaadka lagu baarey, waxaana muuqatey in ay sidaan bakteeriyo daawooyinka adkeysi u leh, ayey tiri Malin Grape.

Sanadkii hore ayaa dad gaaraya 3 900 oo qof waxaa laga heley bakteeriyo daawooyinka adkeysi u leh taas oo kor u kacdey boqolkiiba 30 marka la barbardhigo tiraddii sanadkii 2014-kii.

Inkastoo tirada dadka cuduradaas xanbaarsani ay kor u keceen ayaa hadana hey’adda caafimaadka dadweynuhu waxay sheegtey in khatarta ah in cuduradaasi bulshada ku dhexfidaan ay tahay mid yar inkastoo dhanka kale arrinkaani yahay mid walwalkiisa leh, ayey tiri Malin Grape.

Xogta / Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".